WAJAALE NEWS

Xaruntii Wasaarada Shaqo Galinta Somaliland Oo Noqotay Istoodh Lagu Musuq Maasuqo Deeqaha Lagu Soo Caawiyay Dadka Dan,yarta ah Iyo Fadeexadaha ka Taagan,

HARGAYSA (W,N) Wasaarada Shaqo Galinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland Ee Dhawaan Madaxwaynaha Somlailand Mudane Muuse Biixi Cabdi ku Sameeyay Waxka Badalka Qaab Dhismeeda Magaca Una magacaabay Marwo Hinda Jaamac Gaani Ayaa waxaa Durba kasoo Ifbaxay Talaabooyin ku cusub Hawlwadeenada Wasaarada iyo Sidoo kale Haayadaha Soo Gaadhsiiyay Mucaawinooyinka loogu Deeqo somaliland gaar Ahaan dadka Danyarta ah, Xarumaha Agoomaha Iyo Dadka ay Abaarta Baahsani Saamaysay,

Wasaarada Shaqo Galinta ayaa Waxaa Masuuliyiinta ay Ku Talaabsadeen in Markii Ugu Horaysa Wasaarada Xafiisyadeedii Laga Dhigay Istoodh lagu Rogo Mucaawimooyin Kala Danbeeyay oo Wasaarada lasoo gaadhsiiyay, iyadoo Hoolkii Shirarka ee wasaarada lagu Rogay Raashin iyo Bustayaal Loogu Talo Galay in la gaadhsiiyo meelihii loogu deeqay, Halka kale Xafiiskii Agaasimaha Guud uu Isna laga Dhigay Istoodh lagu Rogay Dhar mucaawimo ahaa oo Hayado Islaamiya ay soo Gaadhsiiyeen Wasaarada ,

Wararka Dhacdadan la xidhiidha ee ay  Shabakada Wararka Ee Wajaalenews ka Helayso  Xubno Xogogaalo U Ah arinta

ayaa  daboola ka qaaday in maalmihii ugu danbeeyay  xafiisyadii wasaarada Shaqo Galintu Isku badashay Istoodh islamarkaana  Xataa dharkan iyo Agabkan kale ee ay ku rogeen uu kala xidhay Qaarkamida Xafiisyadii Wasaarada gaar ahaan in Aan loo gudbi Karin Xaga Sare ee Dhismaha Wasaarada oo Xataa Jaran Jaradii la Dhigay Alaabadan, Walow Qorshaha Haayadihii Bixiyay Deeqdan uu   ahaa in la gaadhsiiyo dadka Talaabalaysa Ee loogu Talo Galay Agabkan oo isku jira bustayaal ,Raashin iyo dhar,  balse nasiib daro waxa lagu Dhex Musuq Maasuqay Xafiiskii Wasaarada, Iyagoo Arinta Goob Joog ay ka Yihiin Wasiirka Wasaarada Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraduba.

Sidoo kale Waxaad ku dhex Arkaysaa Dharkii Iyo Agabkii goobtayaalay oo si caadiya loogu guranayo  gadiidka Masuuliyiinta ugu sareeya wasaarada qaarkood,

Arintan ay ku kaceen Masuuliyiinta ugu Saraysa Wasaarada shaqo Galinta Somaliland Ayaa ah mid Ugub ku ah Gudaha Wasaarada Taasi Oo Marka waxa deeq Ah lasoo gaadhsiiyo wasaaradaha   la dhigi jiray Istoodhada Qaranka amaba Xarumaha Loogu Talo Galay in la Gaadhsiiyo Deeqdan.

Iskastaba Ha haatee Talaabadan ay Masuuliyinta Wasaarada Shaqo Galinta Kuwa Ugu sareeyaa ayku kaceen ayaa noqonaysa mid Banaanka keentay Aqoon La,aanta Masuuliyiinta wasaarada iyo Hamuunta ay u Qabaan Musuq Maasuqa iyo wax Isdaba marinta Hantida qaranka Ee  Hogaanka Looga Dhigay Ilaalinteeda,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJAENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version