WAJAALE NEWS

Shirka Caalamiga Ah Ee Nabadda Ee Munich Oo Maanta Furmaya

Minich (W,N)- Shirka sanadlaha ah ee looga hadlo ammaanka ayaa maanta gelinka dambe ka furmi doona magaalada Munich ee waddanka Jarmalka, waana shirka ugu ballaadhan ee noociisa dunida ka dhaca.

Hogaamiyayaal, wasiir heer sare ah iyo dadka siyaasadaha dajiyo ayaa waxa ay isla qaadaa dhigi doonaan dhibaatada ka taagan waddanka Suuriya, heerka xidhiidhka Gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka, iyo weliba ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

 

Shirkan caalamiga ah ee ammaanka looga hadlo ayaa la qabanayay tan iyo bartamahii 60-dameeyadii, shirkan ayaana fursad un u aheyn in bayaanno laga soo saaro iyo khudbado laga jeedo balse waxaa lagu dhinac qabtaa shirar kale oo kala duwan oo heer sare ah.

Waxa uu noqday shir looga hadlo xidhiidhka wadammada NATO taas oo uu khalkhal haystay tan iyo markii uu Donald Trump la wareegay hoggaanka Aqalka Cad.

Waxaa shirka ku sugan wafdi heer sare ah oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimahada Gaashaandhigga ee Mareykanka James Mattis iyo Lataliyaha dhanka Ammaanka ee madaxweyne Trump, oo ay wehliyaan xubno sarsare oo ka tirsan Aqalka Senate-ka waddankaasi.

Dhanka kale iyadoo halis weyn ay uga imanayso soo laba kaclaynta Ruushka ayaa haddana Gaashaanbuurta NATO aanay xaaladeedu sahlanayn maalmihii ugu dambeeyay.

Dhibaatada ka aloosan waddanka Suuriya ayaa waxa ay iska horkeentay danaha Turkiga iyo kuwa Washington, halka ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ay su’aalo ka imanayaan qaabka ay ku kala baxayaan labada dhinac, iyo weliba gunta hadalka Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ay doonayso inay ku soo bandhigto khudbadda ay shirka ka jeedin doonto subaxa Sabtida ah.

Exit mobile version