WAJAALE NEWS

Isku Shaandhayntii Wasiirka Warfaafintu Ku sameeyay Waaxaha Wasaarada Oo Khilaaf Iyo kala Qaybsanaan Abuuray + Masuulkii Ugu Horeeyay Oo Iscasilay,

“Wasiir Xilkii An ka Hayay Tvga Qaranka Ee Aad Dib Iigu Magacawdayn 22/2/2018 Anigaa si Iskay ah Uga Cudur Daartay sida ugu Dhakhsaha Badana Ugu Warejinayaa Cida Aad Usoo Magacawdo” Cabdirasaaq Cismaan

HARGAYSA(W,N) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Dhaqanka Somaliland 22/02/2018 wuxuu isku Shaandhayn ku sameeyay Waaxaha Wasaarada Taasi Oo Xilalka Uu ka qaaday Xubno ka mida Madaxdii Qaybaha Wasaarada halka uu ka Magacaabay Xubno Noqda Badalkoodii, Talaabadan Uu Qaaday Wasiirku Ayaa Waxay Hadalhayn badan Iyo kala qaybsanaan ka Dhex Abuurtay Shaqaalaha Wasaarada  Banaankana u soo saartay kala qaybsanaan xoogan oo ka dhex jirta guduha wasaarada iyo iskooxaysi  Halka Qaarkamida masuuliyiintii uu  xilalka ka qaaday ay ku doodeen in aanu awood u lahayn xilka qaadistooda dhanka kale waxaa isna iska casilay xilkaa loo magaaabay mid kamid ah hawl wadeenada ugu firfircoon Tvga Qaranka.

 

Sidoo kale doodaha wasaarada ka taagan ayaa sheegaya in ay qorshahan isku shaandhyanta Waaxaha wasaarada ay dabada ka wadeen xubno ka mida Agaasimo waxeedyada xilalkoodii loo daayay ay tahay mid dhinac ka raran Iyagoo shaqsiyaadka go,aamiyay qorshahan in ay yihiin kuwo hore loogu eedaynayay talaabooyin musuq maasuq iyo kala qayb qaybinta shaqaale waynaha wasaarada.

 

Isku shaandhanta wasiir guri barwaaqo oo muran iyo kala qaybsanaan horleh ka dhex istaadhay wasaarada ayaa waxaa durba soo baxay xubno saluugay xilka loo magacaabay kana  biyo diidan qabashadiisa, waxaana kamida xubinta iska casishay xilkii loo  magacaabay

K/Xigeenka Madaxa Barnaamijyadda Cabdirasaq Cismaan

Cabdirasaaq cismaan ayaa maalmo kadib wuxuu gabi ahaan ka cudur daartay xilka uu wasiirku u magacaabay taasi oo uu ku sobobeeyay in uu fursadan siinayo in xilka loo dhiibo dhalinyarada kale ee ka hawlgasha wasaarada Warafaafinta.

Qoraalka uu ku sheegay in gabi Ahaanba Xilkaa Iska Casilay Wariye Cabdirasaaq Cismaan Ayuu ku baahiyay Barta uu ku leeyahay  xidhiidhka Bulshada ee FACEBOOKGA Taasi oo uu Si Cilmiyaysan ugu faahfaahiyay Sobobta Uu Iskaga Casilay Xilka oo uu mudo dheer ka hawlgalayay, hadana Wasiirku dib ugu magacaabay. Wuxuna Udhignaa Sidan;,

‘’Waxan ku faraxsanahay in aan iskay u warejiyo xilka ku/xegeenka Agasimaha Barnamijyadaa TVga Qaranka mudo dheer kadib.
Ugu horayn aan u hambalyeeyo dhalinyarada cusub ee loo magacabay Wasaradda Warfaafinta Guud ahaan Gar ahaana TVga Qaranka ,waxaa kale oo aan u hambalyaynayaa masuliyiinta iyo maamulka oo gudanaaya xilki madaxwaynuhu u soo igmaday inay garteen in wasaradu u baahan tahay dhiig cusub, dhigiina ay ka heleen meeshii ay saxda ku ahayd oo ah dhalinyaradda wasaaradda warfaafinta ugu mudnaa una qalmayay in xilkan iyo mid ka sareyaa loo dhibo Magacabistii iyo xilka qaadistii 22/02/2018. Uu ku sameyay wasiirka wasaradda warfafiinta Abdiraxmaan Guri barwaaqo, mamulka Tvga, waaxda barnaamijyada iyo wararka oo ah qaybaha ugu muhiimsan ee Tvga Qaranka,

 Waxan noqday qofka kaliyaa ee Anay si Togan iyo si Taban toona Aanay u saamayn, hadana waxaan aminsanahay in isbadal kani yahay mid mihiima oo wasaradda wax ka taraysaa in horumar ay samayso madama oo fursad la siyay dhalinyaradii ahaa xooga wasaradda warfafiinta maskax iyo muruqba iyo mamulka cusub ee ay helenba. Madama kooxdii aanu mudada dheer soo wada shaqaynaynay baneyeen xilkii ay qaranka u hayeen fursaadana ay u tahay dhalinyaradii Aan ugu jeclaa Tvga qaranka Ee hadh iyo habenba Nagala Shaqaynayay Horumarka TVga ee nagu Ixtiramayay Xilka Aanu u haynay,

Waxaan Aniguna go’aan ku gadhay in Aan fursaad siiyo dhalinyadaa iga danbaysay , sidii kooxdii aanu soo wada shaqaynaynayba ay fursada u siiyeen asxabtaydii anu mudada dheer soo mamulaynaay,waxanan u balan qadaya in an ula shaqaynayo sidii ay iyaguna noola shaqaynayeen.

Ugu danbaytii waxaan u mahad celinyaa mamulkii iyo shaqalihi tvga qaranka mudadii 3 sano ee aan ahaa madaxa wararka iyo 5tii sano ee aan ahaa ku/xegenka agasimaha Barnamijyada sidaa fiican ee an u soo wada shaqaynay, wasirka wasaradda warfafiinta ee hada Abdiraxmaan Guri barwaaqo oo ah masuul daganansho iyo aqoon ilahay hibo u siiyay wax wayna qabtay mudadi loo soo magacabay xilka wasardaa warfafiinta waxanan huba inu guul gadhsinayo wasarada iyo shaqalahedaba mudada u xilka hayo wanan uga mahad celinyaa in isbadalkii uu ku samayeyay waaxdi an ka tirsana in uu dib ii magacabo aniga lakiin sii isbadaal gun iyo baar ah ad uu samayso wasiir anigaa is idhi wuu ku ixtiramay ee adiguna ixtiraam una baneeyaan xilka si isbadal cusub oo horumar leh u sameyaan jiilka cusub ee aad magacawday, waanan u hayaa abaalka wanan kula shaqaynayaa sidii hore iyo sii ka fiican,

Wasiir xilkii aan ka hayay Tvga Qaranka Ee Aad Dib Iigu Magacawdayn 22/2/2018 Anigaa si Iskay ah Uga Cudur Daartay sida ugu dhakhsaha badana Ugu Warejinayaa Cida Aad u soo magacawdo

 Mahadsanid.’’

Cabdirasaaq Cismaan

 

 

 

Exit mobile version