WAJAALE NEWS

Eng Da,uud Abiib Axmed Oo dhabaal Hambalyo ah Udiray Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose Gabiley Iyo Xubno Kale Oo Dhawaan Xilal Loo Magacaabay.

HARGAYSA(W,N) Eng Da,uud Abiib oo kamida Siyaasiyiinta reer Somaliland Isla markaana kamida masuuliyiinta Sare Sare Ee Xisbi Xaakimka kulmiye .

Sidoo kalena kamida Ahaa  Xubnaha ku Suntan Guushii  Madaxwaynaha Somaliland ka gaadhay Doorashadii Madaxtooyada Gaar Ahaan  shaqsiyaadkii Dhexda ku xidhay Codka Gobolada Maroodi Jeex Iyo Gabiley Ayaa Dhambaal Hambalyo ah udiray Xoghayaha Cusub Ee Wasiirka Arimaha Guduhu Umagacaabay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye oo xilkaasi loo magacaabay 31/01/2018.

Isagoo Arimaasi ka Hadlayana Wuxu Yidhi “Waxaan Halkan Dhambaal Hambalyo ah Uga Dirayaa Xoghayaha Cusub Ee Degmada gabiley Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye waxaan leeyahay Hambalyo Hambalyo xilkaasi ilaahay hakugu Asturno Run ahaantii Waa Masuul kasoo bixi kara Xilkaa Culus Ee loo Dhiibay

Aniga oo ku Hadlaya Afka Siyaasiyiinta Reer Gabiley iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan Waanu kugu Barbar Taaganahay Ushaqaynta Qaranka Bulshada Reer Gabileyna mudo badan ayay sugayeen in Mar Uun Dawlada Hoose  loo soo Magacaabo Waji cusub Iyo Masuul Hanan kara Masuuliyadaa Culus ee loogu dhiibay Umada,

Dhanka Kale  Eng Da,uud ayaa dhambaal Hambalyo oo  taa lamida Hawada umarinaya gudoomiye kuxigeenka Haayada Qoxootiga iyo Barakacayaasha Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheikh Cali Jawhar, Iyo sidoo kale xoghayaha Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa (JUXA), iyo Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Salel Ee Dhawaan Madaxwaynahu Umagacaabay xilalka

Waxaan Iyana Dabcan Hambalyaynayaa dhamaan Masuuliyiintaa Aan kor kusoo xusay Ee Dhawaan Madxwaynuhu Magacaabay Kuwaasi oo ah dhalinyaro Aqoon leh  Kana soo bixi kara xilka qaranka, ayuu yidhi Eng Daa,uud,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

 

Exit mobile version