WAJAALE NEWS

Daawo: Xukuumada Somaliland Oo Maanta Dalka Ka Bilowdey Tiro-koobka Gadiidka Dawladu Leedahay

Hargeysa (W,N):- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daah-furay Barnaamij lagu tiro koobayo gaadiidka dawladdu leedahay (GT) ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee xukuumadda, kaas oo laga ibo-furay xarunta madaxtooyada.

 

Munaasibadda daah-furka barnaamijka lagu diiwaangelinayo gaadiidka dawladdu leedahay oo ay gacanta ku hayso wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadku, ayaa maanta lagu daah-furay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, agaasimayaasha madaxtooyada iyo wasaaradda Gaadiidka, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) iyo Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid).

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/ZKQLVcpIWeU

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version