|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Xukuumada Somaliland Oo Maanta Dalka Ka Bilowdey Tiro-koobka Gadiidka Dawladu Leedahay
February 4, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daah-furay Barnaamij lagu tiro koobayo gaadiidka dawladdu leedahay (GT) ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee xukuumadda, kaas oo laga ibo-furay xarunta madaxtooyada.
Munaasibadda daah-furka barnaamijka lagu diiwaangelinayo gaadiidka dawladdu leedahay oo ay gacanta ku hayso wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadku, ayaa maanta lagu daah-furay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, agaasimayaasha madaxtooyada iyo wasaaradda Gaadiidka, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) iyo Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid).
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZKQLVcpIWeU
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews.net Hargaysa Office Related posts:Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirul Dawlaha Arimaha Dibada Ee Dalka Itoobiya Oo Galabta Si D... Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dagaal Ka Dhacay Magaalada Garoowe Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee ... Daawo: Xisbiga Wadani Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah U Qabtay Taageerayal Ka Soo Jeeda Koonfurta Harga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|