Afeef: Marka aynu Niqaashayno mawduucyada la xidhiidha ummada muslinka ah ama carabta guud ahaan oo wax badani innaga dhaxeeyaan, ma qabo in uu jiro wax wadaad la yidhaa iyo wax waranle la yidhaa. Fadlan ha innagu soo koobin niqaashka adigoo qof u jeeda ama koox yar oo aad ogtahay adigu; xejiso sawirka weyn oo yaanu kaa lumin.
Waxan idhi:
Intii kutub laga qoray xukunka xaydka iyo nifaaska,oo qaarkood lagu magacaabo Mudawalaadka iyadoo laga wado sida ay u dhaadheer yihiin; haddii laga qori lahaa sida la isu xukumo (governance), maanta Suuriya oo taariikh sheegatay iyo Masar oo guun ah (7000 years of civilization) iyo Ciraaq oo ahayd ah dharabtii xaddaaradda adduunku ka soo unkatay ee Babiliyon, may dhacdeen in ay is xukumi kari waayaan oo deedna ay u jabaan nacabkooda; waa haddii kutubta ay ka qoreen xaydka iyo nifaaska ay ka qori lahaayeen sida la isu xukumo (governance and leadership).
Quraanka Kariimka ahi mid kasta aayad ama laba ayuu ka sheegay; macnaha is-xukunka iyo xaydka labadaba. Markaa way u furayd fuqahada in ay cutubyo dhaadher ka qoraan sida la isu xukumo, laakiin marka laga reebo waxooga yar oo loo yaqaano siyaasa-sharciyah iyo waxoogaa Al-axkaamul mursala ah oo runtii bilaw ah(rudimentary), lagama salgaadhin arrimahaas, marka aad barbardhigto sida ay Fuqahadu isugu mashquuliyeen dhiigga dumarka IWM.
Uma jeedo Maxaa la isugu hawlay fiqiga dahaarada, laakiin waxan uga danleeyahay waxa xoogga la saaray tii laga mudnaa;maxaa yeelay haddii la is xukumi kari waayo oo meesha lagu kala yaaco ama birta la iska aslo, dee cibaado iyo masaajid la cammiro midna jiri maayo.
Haddii aanay dib isugu noqon dadka carabtu oo aanay naqdin ku samayn hiddahooda iyo dhaqankooda (turaaska), waligood ma haybsan doonaan qeyrkood; bal innagoo kuwaa daba joognana ka warran; wuxu yidhi qorraxdu kulululaa; markaasuu ku yidhi bal Xeynta Xaggeeda u Dareertayna ka Warran.
Igaba dhan ee bal adna si deggan oo Asluub leh Wax uga dheh;Fadlan is Qiimee oo ka Joog Haddii aanad Xadhigan ka garaaci karayn!!!!
Waa mudaakaraadka fikirkayga; Cidna kama soo dheegan.
Mufakirkaaga: Abdo (pen name)
QALINKII PROF CABDI CALI JAAMAC