Ottawa (W,N) – Booliiska dalka Canada ayaa bilaabay baadhitaano la xidhiidha Wiil Soomaali ah oo Axadii lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada.
Booliska waxaa ay sheegeen in ay waddaan baadhitaano cidda ka dambeysay dilka Cigaal Daa’uud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaalida ee ku noolaa dalkaasi.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Cigaal oo 30 Sano jir ah Meydkiisa laga dhex helay Gaadhi nooca Raaxadda ah.
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in meydka Wiilka oo inka badan 24 saacadood uu dhex yaallay Gaadhiga Parkinka ku jiray ee lagu dhex dilay iyada oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda dishay.
Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Canada Sanadyadii lasoo dhaafay, waxaana ciidamada Booliska ay hore u sheegeen in dhalinyaradda Soomaalidu dhexdooda ay is dilaan.