WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Goordhawayd Go,aamo Ka Soo Saartey Sicir Bararka Dalka Ka Jira, Amaro Culus-na Dul Dhigtay Shirkadaha

Hargeysa (W,N):-Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay goor dhawayd go,aamo ka soo saartey sicir bararka dalka ka jira isla markaana ay sheegtay in ay xal u noqon karaan sicir bararkaas.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Mr Dhoobaale oo goor dhaweyd xafiiskiisa kula Hadley warbaahinta ayaa waxaa uu akhriyey qodobadaas waxaana ay kala yihiin qodobadu.

 

  1. In Shirkadaha Oomaar , Dahabshiil Iyo Telesom aaney sarifi Karin lacagta
  2. In Qaadka dalka soo gala cashuurta lagu kordhiyey
  3. In Adeegyada Zaad iyo E-Dahab aan lagu isticmaali Karin lacag ka yar boqol doller 100%

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

 

Exit mobile version