WAJAALE NEWS

WAR-SAXAAFADEED ; Xidhiidhiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolada M/Jeex, Gabiley Iyo Hawd .

Waxaan halkan idiinku Soo Gudbinayaa Qoraalkan Oo Aan ugu Talogalay Saxaafadda, :-

Waxaan halkan kaga dareen celinayaa Hadal ka Soo yeedhay  Mr. Mustafe Maartin oo ka mid ahaa Taageerayaasha Xisbiga Waddani  kuna  sugan Dalka Maraynkanka kuna tiraabay inuu dalka Maraynkanka  kaga dhawaaqay waxa uu ku sheegay  United Somaliland Front oo uu Madaxweyne ka yahay.

Xisbiga Waddani oo aan ka mid ahay saraakiisha sare, ugumaanu jirin Reernimo, Qabiil ,Qollo, Shakhsi jecelayn ama shakhsi nacayb, ee waxaanu doonaynay in xisbiyadda Qaranka Jsl, lagu kala biro si looga guuro Qabyaaladda ma dhalayska ah, lana taabo geliyo hanaanka geedi socodka Dimuqraadiga Jsl ka hanna qaaday oo tiir dhexaad u ah xaqiijinta qaranimada iyo Gooni isu taagga Jsl.

Haddaba, Waxaa Ayaan darro ah in Mustafe Martin  hadlkiisa riyada ah laga dhadhansanayo inuu ku hadlayo Afka Xisbiga Waddani, isagoo soo qaaday doorashadii Madaxtooyadda Jsl ka qabsoontay 13/11/2017, oo ay ku tartameen 3da Xisbi qaran, Kulmiye, Waddani iyo Ucid, oo ay ka qayb qaateen cod bixinta doorashaddaa dhamaan  muwaadiniinta reer Somaliland,  Iyadoo Murashixiintii u tartamay doorashada Madaxtooyada ee Xisbiyada Waddani iyo Ucid ee laga guuleystayna ay aqbaleen natiijada doorashada una hanbalyeey Murashixiintii Xisbiga Kulmiye ee ku  guuleystay doorashada Madaxtooyadda Jsl.

Gebegebadii, Waxaan u soo jeedinayaa Mr. Mustafe Martin inaanu wakhti iskaga lumin riyadan mala-awaalka ah, Jamhuuriyadda Somalilandna halkan aad taagan tahay muddo hor ayay dhaaftay oo wey ka kortay, Waxaanan ku leeyahay riyadaan hortaa jiraba wuu waayay.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Md. Siciid Muuse Cabdi- Bustaale

Xidhiidhiyaha Xisbiga Waddani Gobolada M/Jeex, Gabiley iyo Hawd

Date, 29/01/2018

Exit mobile version