GABILEY (W,N) Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii Dawlada Hoose Ee Degmada Gabilay C/raxmaan Nuur Abokor oo mudo dheer hayay xilkaas,
Halka Uu Wasiirka arimaha guduhu Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose GABILEY Usoo magacaabay Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye. Oo kamid ahaa Xubnihii safka hore kaga jiray ololihii guusha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabiley.
Mardhow filo warqada magacaabista Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose Ee Gabiley oo Nuqulka Midka Ay Heshay Shabakada Wararka ee Wajaalenews.net