WAJAALE NEWS

Taariikhda Gabadhii Ugu Horeysay Ee Hindiya Ka Noqotay Sawir Qaade

Homao Byanrawalla, waxa ay taariikhda ku gashay in ay noqotay haweenaydii ugu horeysay oo sawir qaade ka noqotay dalka Hindiya , iyada oo sawirro ku diiwaangalisay hanaankii ay Hindiya xornimada kaga qaadanaysay Ingiriiska.
Waxa ay dhalatay 9-kii Decembar, sanadkii 1913-kii, kuna dhalatay gobolka galbeedka Hindiya ee Gujarat, waxayna kasoo jeeddaa qoyska saameynta badan ee qoowmiyadda Parsi.

Inta badan yaraanteedii waxa ay ku qaadatay safar, maadaamaa aabaheed uu ahaa atoore aflaamta jila, kana mid ahaa koox bandhig faneed samayn jirtay. Balse xoogaa kadib qoyskeeda waxa ay u guureen magaalada Mumbai, halkaas oo ay ku biirtay mac-hadka jilliinka iyo fanka ee JJ School.
Waxa ay la kulantay nin sawir qaade ah oo lagu magacaabo Manekshaw Vyarawalla oo markii dambe guursan doona, kaas oo baray xirfadda sawir qaadista.
Layligii ugu horeeyay oo ay sawirro ku qaaddo , kuwaas oo lagu soo daabacay wargeys maxali ah, waxayna ku shaqo gashay sidii sawir qaade madax banaan.
Sawirradeeda ayaa xiiso gaar ah yeeshay kadib markii muuqaalo ay ka qaadday nolosha magaalada Mumbai lagu soo daabacay majalladda Illustrated Weekly.
Reerkooda waxa ay magaalada Delhi u guureen sanadkii 1942-dii, halkaas oo shaqo laga siiyay Laanta Warbaahinta British.
Iyada oo ka mid ah sawir qaadayaasha ayaa waxaa la arki jiray iyada oo baaskiil ku dhex maraysa magaalada Dehli, wadatana kamaradeeda.
Sawirradii ugu quruxda badnaa, uguna saamaynta badnaa ayaa waxa ay qaadday kadib xoriyaddii Hindiya, bixitaankii gumeystihii Ingiriiska iyo waliba tacsiyadii Muhatma Gandhi iyo Ra’isulwasaarihii hore Jawaharlal Nehru.
Ms Vyarawalla waxa ay sawir ka qaaday hoggaamiyeyaashii ugu caansanaa ee xoriyadda Hindiya.
Balse waxa ay sheegtay in ay ka qoomamayso maadaamaa ay sawir ka qaadi weyday kullankii lagu dili doono Mahatma Gandhi. Waxa ay sheegtay in iyada oo kulanka kusii socota in uu ninkeeda ugu yeedhay shaqo kale.
Waxa ay sidoo kale sawirro ka qaaday dadkii caanka ahaa ee soo booqday Hindiya waxyar kadib xornimaddii, waxaana ka mid ahaa Ra’isulwasaarihii Shiinaha Zhou Enlai, hoggaamiyihii Nietnam Ho Chi Minh, boqaradda Ingiriiska Elizabeth II iyo madaxweynihii Maraykanka John F Kennedy.
Ms Vyarawalla photographed many famous people but Mr Nehru figures most prominently in her work as her “favourite subject”.
Waxa ay waraysi ku sheegtay in ay barooratay markii ay maqashay geerida Nehru.
Sawirkii ugu dambeeyay ee ay qaaddo ayaa ahaa sanadkii 1970-kii, xilligaas oo ay ka fadhiisatay xirfadda sawir qaadista oo ay kusoo jirtay muddo 40 sano ah. Ninkeeda ayaa geeriyooday sanadkii 1969-kii, waxayna u guurtay gobolka Gujarat.
Waxaa lagu abaalmariyay billada labaad ee ugu saraysa Hindiya ee xagga rayidka ee lagu magacaabo Padma Vibhushan sanadkii 2001-dii, waxayna geeriyootay 16-kii Jenewary, 2012-kii iyada oo 92 jir ah.

Exit mobile version