WAR-SAXAAFADEED:13/01/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir Magaca Xilka
- Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
- Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
- Axmed Abokor Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
- Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland