WAJAALE NEWS

Madaxwayne Siilaanyo oo Magacaabay Wasiirul Dawle Cusub oo ay yeelan doonto Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha

Hargeysa (Wajaale News)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Magacaabay Wasiirul dawle cusub oo loo sameeyay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1854/062013 ku magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAXWEYNUHU:-Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Wajaale News Desk

Hargeysa/ Somaliland

Exit mobile version