WAJAALE NEWS

Isku Socodkii Gadiidka Rayidka Deegaanada Somaliland iyo Puntland Oo La Joojiyay

Garoowe (W,N) – Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ee maamul gobolleedka Puntland Cumar Fara-weyne ayaa sheegay in la joojiyay gadiidkii rayidka ee isaga kala gudbi jiray deegaannada Somaliland iyo Puntland, waxaana uu intaa ku daray in loo ogol yahay oo kaliya dhaqdhaqaaq gadiidka mas’uuliyiinta iyo kuwa ciidamada.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee ka soo jeeda Somaliland ee doonaya in ay soo galaan Puntland waddadu u furan tahay, kuwa hadda jooga Puntland ee ka soo jeeda Somaliland-na wax dhibaato ah la kulmi doonin.

 

‘’Cid kasta oo ka imaneysa  Somaliland waddadu wey u furan tahay, dadka hadda ku sugan Puntland ee ka soo jeeda Somaliland iyaguna waa joogi karaan laakiin xaalado ayaa jira, inta xaaladahaa taagan yihiin yihiin waddadu wey xidhan tahay ilaa amar danbe “ayuu yidhi guddoomiyaha.

 

Sababta loo xidhay isku socodka dadka iyo gadiidka deegaannada Somaliland  iyo Puntland ayuu ku micneeyay guddoomiyaha xiisasdaha colaadeed ee soo cusboonaaday, isaga oo sheegay in ay ka foojigan yihiin in dad rayid ah la wax yeelleeyo.

 

Dad badan ayaa qaba in xiisadan ay ka dhalatay socodaalkii uu dhawaan Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya uu ku tagay degaanno ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, taasoo sababtay in shalay labada maamul uu dagaal ku dhexmaro degaanka Tukaraq.

Exit mobile version