WAJAALE NEWS

Imtixaanka Ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladu Qaaday Ma Noqon Doonaa Mid Cadaalad Ah Mise Jidkii Gudoomiye Sharmaake Dhalinyaro Hore Mariyay Ayuunbay Tana Maridoontaa?

“Rag Cadaalad Waayaa Sidii Cawsha kala Yaac”

Maxaa Looga Soo Joogay Gudoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawlada!!

HARGAYSA(W,N) Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ayaa maalintii shalay ahayd Imtixaan ka qaaday dhalinyaro kor u dhaafaysa  laba kun iyo dhowr boqol oo u tartamayay 21 boos oo ay hay’adda shaqaaluhu soo naadisay dhawaan.

Dhalinyarada u fadhiisatay Imtixaankaasi ayaa iskaga kala yimid gobolada Somaliland,  iyadoo aynu ognahay shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhalinyarada Somaliland in ay keento in 21 boos ay u fadhiistaan tiradda Intaa leeg ee ah da’yarta waxbaratay ee shaqo raadiska ahi.

Hadaba waxa iswaydiin mudan imtixaanka ay qaaday hay’adda shaqaalaha dawladu  ma noqon doonaa mid cadaalad ah oo cidii ku guulaysata imtixaanka ay noqdaan kuwa buuxiyay boosaskan? Mise waxay noqon doontaa mid dadku uun la tusayay dhaqdhaqaaqa hay’adda shaqaalaha oo dadka buuxinayay boosaskani ay sii qoondaysay yihiin, Maxaase looga soo joogay  Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Sharmaake Geelle ma yahay masuul fulin kara cadaalada ay ka sugayaan dhalinyarada u fadhiisatay imtixaanku.

Muddo hore ayay ahayd markii mid ka mida dhalinyarada Somaliland ee dalka wax ku baratay ay ku dhacday cadaalad daraddii  ugu waynayd, taasi oo uu kula kacay, isla gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ee xiligan kumaan kun dhalinyaro ah oo reer Somaliland ahi cadaalada ka sugayaan.

Dhacdadaasi hore ayaa ahayd ka dib markii ay hay’ada shaqaaluhu qaaday imtixaan islamarkaana lagu dhawaaqay natiijada cidii ku guulaysatay boosaskii loo tartamay, kuwaasi oo magacyadooda laga sheegay muuq baahiyaha qaranka halka ay soo daabaceen magacyada shantii qof ee ku guulaystay imtixaanka wargaysyada dalka ka soo baxa qaarkoodna ,Wiilka ku guulaystay imtixaankii la galay ayaa aroornimadii danbe tagay hay’adda shaqaalaha wuxuse kala kulmay dhacdo ku noqotay argagax iyo amakaag taasi oo sida uu ku sheegay waraysi lala yeeshay uu gudoomiyaha hay’ada shaqaaluhu ku yidhi matihid cidii loo baahnaa in ay soo baxdo.

Gudoomiyaha hay’dda shaqaalaha ayaan helin xukuumada si dhow ula socota hab maamulkiisa iyo dabcan inuu yahay masuul kasoo bixi karaya howshan uu qaranka  u hayo.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Muwaadinkii cadaalad daraddu ku dhacday  oo lagu magacaabo Mustafe Cabdiraxmaan Habane oo ka Waramaya sidii ay wax u dhaceen soona badhigay sida ay u baahiyaan warbaahinta dawladu in uu ka mid yahay xubnaha guulaystay iyo wixii uu kala kulmay gudoomiye sharmaake:

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA DHACDADAN;

https://youtu.be/JVigBwPOeYE

Exit mobile version