“Innaalilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.
HARGAYSA (W,N) Gudoomiyaha maxkamada sare Ahna Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah Ee Somaliland Dr Aadan Xaaji Cali ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa magaca Bahda Garsoorka Somaliland wuxu Tacsi Tiiraanyo leh udiray Qoyskii iyo qaraabadii Uu Ka Baxay Garyaqaan Marxuum Sheekh faarax Nuur Maxamed Oo maanta ku geeriyooday Dalka Hindiya halkaasi Dhawaan Xaalad Caafimaad Loo Geeyay Marxuumka,
Waxaan Dhambaal tacsi ah u dirayaa eheladii, asxaabtii,bahda garsoorka iyo shacabka somaliland ee uu ka baxay marxuun Sheekh Faarax Nuur Maxamed oo ku geeriyooday Hargeysa, marxuunka ayaa mudo dheer garsoore ka ahaa maxkamada gobolka Hargeysa isaga oo wakhi xaadirkana ahaa garyaqaan.
Waxaan ilaahay u waydiinayaa marxuunka inuu ku abaal mariyo hawshii uu qaranka u qabtay iyo camalkiisii wanaagsana, waxaanan eheladiisa, bahda garsoorka iyo shacabka somaliland ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuunkana janooyinkiisa ku casuumo.”
AAMIN AAMIN