WAJAALE NEWS

Taliye Ku-xigeenka Booliska oo ka hadlay 100 dhalinyaro ah oo Maxkamadaha Gabiley iyo hargeysa Xukumeen.

HARGEISA(Wajaalenews);Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska ee Somaliland Sareeyo guuto Cabdiraxman Liibaan Axmed  (Fooxle)  ayaa ka hadlay  dhalinyaro Falal Amni darro ah ka sameya  habeenkii  magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley oo ay ciidanka Booliska Somaliland soo qabteen, kadibna Maxkamada Gobolada  Maroodi-jeex iyo Gabiley   Xukuno  ku rideen, kuwaasi oo ka koobnaa  100 dhalinyaro oo ku caan baxay khalkhal galinta Amaanka kuwaaso uu sheegay taliyuhu in  xafadaha magaalooyinkaasi isku laayan dhibaatooyin Shacabka U geeysta.

Taliyuhu wax kale oo xusay in dhalinyaradaasi k koobnayeen 40Dhalinyaro ah  oo maxkamada Gabiley ku xukuntay  midkiiba  Hal Sanno iyo Lixbilood oo xadhig ah, halka 60 kalena Maxkamada hargeysi u fadhiistay xukunkooda maanta .

Taliyuhu wuxu sheegay in Gacan bir ah ku qabnayaa cid kasta oo isku dayda in ay Amaanka waxyeesho.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version