Hargeysa (W.N) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa si adag uga hadlay Dagaalkii dhawaan labada Beelood ee Walaalaha ah ku dhex maray deegaanka Dararweyne oo hoos tagta degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.
Sidoo kale Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in dagaalka Dararweyne ee soo noqnoqday ay Xukuumadihii kala dambeeyay iyo Madax-dhaqameedku ka seexdeen inay ogaadaan sababta uu u soo noqnoqonayo, si Xal kama dambaysa ah looga gaadho.