WAJAALE NEWS

Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xalay Dhalinyaro Tiro Badan Xabsiga Utaxaabay Iyo Hudheelo Ganacsi Oo Ay Albaabada U Laabeen.

Hargeysa(W,N)  ciidamada Booliska Somaliland Oo  xalay heegan buuxa la galiyay ayaa  hawl gallo kala duwan ka sameeyeen qaar badan oo kamida xaafadaha hargaysa kusoo  oo ay kusoo qabqabteen dhalinyaro tiro badan oo qaarkood xiligaa  xusayay xuska sanadka cusub ee curtay 2018-ka.

Waxaana sidoo kale ciidamadu ay albaabada u laaben hudheelo ay dhalinyaro tiro badan damacsanayeen inay ku dhigtaan xaflado ay ku xusayaan sanadka cusub

Ciidamada Booliska ayaa dhalinyarada ugu badan waxay ka qabqabteen magaalada Hargeysa, Halka magaalooyinka kale la sheegay sidaasi oo kale ay ciidamadu xidhxidhayeen cidii lagu arko goob fagaare ah.

Xalay ayay ku beegnayd xuska sanadka miilaadiga ee 2018-ka oo ah sanadka ay wadama aan islaamka ahayn xusaan,waxaana amarkan ay ciidamadu xalay ku qabqabteen dhalinyarada ayaa  kasoo baxay xukuumadda madaxwayne  Muuse Biixi Cabdi. Isagoo uu dhawaaqan sheegay wasiirka diinta iyo awqaafta.

Ciidamada Booliska ayaa habeenadanba waxay wadeen hawl gallo ay ku qabqabanayaan dhalinyarada amni darada ku wada gudaha magaalooyinka ee koox kooxda u wada socda.

 

Exit mobile version