Hargeysa (W,N):-Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland ee Xukuumadii Daahir Rayaale Ambassador Xuseen Cali Ducaale(Cawil) ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee wakhtigan ka taagan Somaliland.
Sidoo kale Amb Cawil ayaa talooyin u diray madaxweynaha somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Amb Cawil ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay aragtida uu ka qabo talaabadii ay ciidamada Somaliland kula wareegeen Tukaraq waxaanu yidhi..”Dawlad kasta oo somaliland ka dhisan waajib ayaa ka saaran inay xuduudeeda sugto, tan imika ee Tukaraq-na dalkeenii ayeynu ku jirnaa oo meel aan maamulkeenu gaadhin ayey ciidankeenu imika gaadheen, xuduudana waa la sugi doonaa waana hubaal taasi.” Ayuu yidhi Amb Cawil.
Dhanka kale Amb Cawil ayaa talooyin muhiim ah u diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha inuu wax walba ka horaysiiyo cadaalada iyo sinaanta, jiritaanka umadana gacanta ku hayo, dawladnimada hubka lagu wadaa maaha qoryo iyo taangiyo balse waa fulaynimo, waana in cidii wax tabanaysa uu madaxweynuhu guryahooda ugu tago oo ka bogsiiyo waxyaabaha ay ka cabanayaan oo albaabkiisu u furnaado oo beelaha uu is leeyahay dareen fog ayaa yaala uu u tago taasina ay noqoto mid uu caadaysto.”