sidoo kale waxaa jira hay’ado madax banaan oo bixiya adeega dalxiiska sidda hayada coast to coast iyo qaar kale oo la mid ah hadaba goobaha loo dalxiiso ee ay jabuuti ku caanka tahay ayaa ah goobo leh taariikh iyo astaamo soo jireena ah
goobaha loo dalxiiso ayaa ah goobo ay dawladu dayactirto gacantana ay ku hayso misana lagu kaabo muwadiinta leh xarumah dalxiiska geeya dal xiisayaasha oo iyagana ka qaata kharshaadka lagu dalxiso iyo fiisayaasha dalku galka markay intaa fuliyaan kadib waxaa loo anbabixiyaan goobah loogu dalxiiska badan yahay oo loo yaqaano (Elle moucha ” lack abiy” lack asel” day “sable blant” guobto kharb ).
waxaa halkaa ku yaala hotelo aad loo qalabeeyay oo ay maal gashadiin ganacsato reer jabuuti iyo ajaanib ba leh waa goob ay madaxada iyo safiiradu aad u tagaan wakhtiyada fasaxay todobaad laha ee ay helaan waxaay goobtaasi leedahay ciiddamada u gaar ah iyo kuwa xeebta ilaaliya oo is kaashanaya
waa goob amaankeeda la dhawray oo si wayn loo ilaaliyay hadaba waxaa xusuus mudan dad intee leeg ayaa u soo dalxii u yimaada sanadkii dalka sanadadii aynu soo dhaaf nay waxaa dalka dalxiis u yimid 2015 kii waxa dalka dalxiis ugu yimid 111.719 qof sanadkii xigay ee 2016 kii waxaa dalka dalxiis ku yimid 118.439 kun oo qof sandkii ugu danbeeyay ee 2017 kii ee dhamaaday waxaa dalka dalxiis kugu yimid 128.920 kun oo qof waxay taasi kuu cadaynaysaa in dalkan dalxiiskiisu aad u fiican yahay marka loo eego baaxada dhulka oo aad u yar
Wariye:Ahmed Xaaji Haykal
Office Djibouti
Wajaalenews.net