WAJAALE NEWS

Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Maamulka Hawada+SAWIRRO

Muqdisho(W,N)-Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada.

Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay in sharaf wayn u tahay Soomaaliya in ay dib ula wareegto maamulka iyo gacan ku haynta hawada.

“Arrintaasi waxay ku timid shaqo iyo juhdi badan oo la geliyay. Halkan waxaan ku haystaan qalab ka casrisan midkii hawadeena lagu maamulayay ee yaalla Nairobi.”

“Markii aan eegay, waxaa iicaddaatay in aan u diyaarsannahay oo keliya ma ahan aqoon ahaan ee xitaa qalab ahaan oo ka casrisannahay dalal badan oo Afrikaan ah”, ayuu yidhi madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Balse Xukuumada Somaliland oo dood ka qabta tallaabada dowladda federaalka ayaa sheegtay “in aysan ogolaaneyn in hawdooda meel kale laga maamulo.

Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarrada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay: “Waxaa nasiib darro ah, Soomaaliya ayadoon wada tashi iyo heshiis galin, in ay keligood ku dhawaaqeen in ay hawadii oo dhan la wareegeen. Taasina waa in marnaba aysan Somaliland ka raali noqoneyn in hawadeeda meel kale laga maamulo”.

 

 

Exit mobile version