Hargeysa(Wajaaalenews)Dec.9,2017-Warar xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay oo nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in amar xayiraad ah la dul dhigay dhamaan xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda xilka kasii dagaysa ee Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo,kaas oo ka mamnuucaya in wax safar dibadeed ah uga bixin karin dalka gudahiisa wakhtiga lagu guda jira kala wareega ee ay xilka isku wareejinayaan madaxwaynaha xilka kasii dagaya Md Axmed Siilaanyo madaxwaynaha la cumaamaday ee Kornayl Muuse Biixi Cabdi.
Ilo Wareedyadani waxay noo sheegeen in dhamaan madaarada dalka la geeyey waraaqda xayiraada golaha wasiirada,iyaga oo masuuliyiinta haystana lagu war geliyey inaanay xubnaha golaha wasiiradu aanay dalka ka dhoofi karin ilaa amar danbe mooyee.
Arrintan xayiraada golaha wasiirada xukuumadda ayaa kusoo beegmaysa wakhti kala guur ah oo ay xilka la kala wareegayaan madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo madaxwaynaha la cumaamaday kornayl Muuse Biixi,taas xil wareejintooda ay dhacayso 13 bishan aynu ku jirno.
Kornayl Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha la cumaamaday ayaa shacabka Somalilan waxay aad sku waydiinayaan inuu la xisaabtami doono wasiiradan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo oo ku kacay musuq iyo boobkii hantida umadd,isaga oo hore u arkayay halka uu marayay musuqa iyo hanti boobku.