WAJAALE NEWS

Goob-joogeyaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashadii Somaliland Oo Ka Warramay Dhacdooyin Ay Mar La-arag Ku Tilmaameen

“Markii Tirinta Waxa Layaab Ah In Xisbiga Mucaaradka Ahi (WADDANI) Uu Hal Mar Soo Gudbiyey 1500 oo Cabasho Ah, Waxaase Mucjiso Ah In Markii Natiijada Lagu Dhawaaqay La Waayey Hal Cabasho”

 

London(W,N) – Madaxii Goob-joogeyaasha Caalamiga ah ee Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 13-ka bishii November, 2017-ka Mr. Micheal Walls ayaa wareysi dheer oo lala yeeshay kaga hadlay sidii ay u dhacday Doorashadaasi oo uu ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Musharraxii u tartamayey Xisbiga KULMIYE. Micheal Walls oo lagu Wareystay Machadka ‘Africa Reseach Institute’ oo ku yaalla London, ayaa wax laga waydiiyey sidii ay u dhacday doorashadii Madaxtooyada Somaliland, Cabashooyinkii Muddada kooban socday ee Xisbiga WADDANI ka qabay Tirintii Codadka iyo Arrimo kale oo Doorashada Khuseeya, ayaa si faahfaahsan tafaasiil uga bixiyey sida Doorashadaasi u dhacday. Mr. Walls ugu horreyn wuxuu ka jawaabayaa su’aal laga waydiiyey sababta War-bixintii ay Doorashada ka soo saareen Goob-joogeyaashii uu Madaxa ahaa ay ugu isticmaaleen Weedha ah ‘Dadweynuhu si Nabad ah ayay waxay doonayeen u muujiyeen’ ee ay ugu adeegsan waayeen Weedha caanka ah ee ‘Xor iyo Xalaal’, waxaanu yidhi “Wakhti badan bay nagu qaadatay inaanu Weedh ku habboon u hello Qiimaynta Doorashadii Madaxtooyada Somaliland, weedhaas oo macno badan u samaynaysa Dadka, halka weedha ah ‘Xor iyo Xalaal’ ay dhegaheena ka badatay marka laga hadlayo Doorashooyinka, xitaa kuweena Ingiriiska ka dhaca ayay ku soo noqnoqotay, waxayna Weedhaasi noqotay mid lagu soo celceliyey oo Macnaheedu lumay, waxaana weedhaa looba qaatay inay Doorashada lafteedii tahay, haddiiba la isticmaalo Weedhaa ‘Xor iyo xalaal’ waxaan sheegayaa uun in doorasho u dhacday si heer sare ah, Xaqiiqo ahaana ma jirto Doorasho aan ceeb lahayn, haddii la helayo Doorasho u dhacda si bilaa ceeb ahna (fuly)  waxay noqon lahayd Mucjiso, markaa ma jirto Doorasho goob kasta oo cod-bixineed oo ay leedahay sidii la rabay wax uga dhacaan, xitaa Maraykanka, Ingiriiska iyo Somaliland toona lagama helayo iyo meel kale toona.”  Micheal Walls wuxuu fasiray Sababta War-bixinta ay Doorashadii Somaliland ka soo saareen ugu sheegeen inay ahayd mid Dadku waxay doonayeen ugu muujiyeen “Si badheedh ah ayaanu uga tagnay inaanu isticmaalo weedhaa ‘Xor iyo Xalaal’, waxaanuna isku daynay inaanu helo Weedh ka macno badan oo ah ‘Dadweynuhu si Nabad ah ayay waxay doonayeen u muujiyeen’ (Peaceful expression of popular choice)’..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay jireen dhacdooyin aan Natiijada Doorashada waxba yeelayn oo dhacay “Waxaanu qirnay inay jireen dhacdooyin kooban oo Ceeb ku ah doorashada iyo Goobo Cod-bixineed oo sidii nidaamku ahaa aan la dabaqin, waxaanu sheegnay cabashooyinkii jiray, laakiinse markaanu isku miisaannay wixii aanu aragnay ee wanaag ahaa iyo dhacdooyinkaa kooban waxaanu isla qaadanay in aanay waxba u dhimayn gebi ahaanba qiimihii ay Doorashadu lahayd. Xaqiiqo ahaan Doorashada si wanaagsan baa loo maamulay oo Mushaakilaadka dhacay aanay natiijadeedii guud waxba ka beddelayn ama wax saamayn ah ku yeelanayn. Runtii way adag tahay in erayo ahaan lagu qiimeeyo sidii wax ahaayeen.”

Mr. Walls ayaa la waydiiyey su’aal u dhignayd waxa keenay Xiisado Maalmihii Doorashada ka dambeeyay dhacday iyo waxa markii dambe demiyey ee uu u noqon waayey wax joojiya in Natiijada Doorashada la shaaciyo, waxaanu ku jawaabay “Xaqiiqo ahaa, waxaan doonayaa inaan Xaqiijiyo in Maalintii Cod-bixinta ay Doorashadii Somaliland si nabad ah u dhacday, Xiisaddani waxay bilaabantay Maalmihii ka dambeeyay Cod-bixinta, waxaana sababay in Xisbigii Mucaaradka ugu weynaa uu durba ku qanci waayay tirooyinkii soo baxayey, isla maalintii Cod-bixinta waxaanu dareenay sida Xisbigaasi (WADDANI) aanu ugu qanacsanayn Tirooyinkii soo baxayey, taasi oo wer-wer badan naga gelisay Sawirka siyaasadeed ee Somaliland, wallow aanaan garanayn natiijadu waxay tahay, wax kasta sababtu ha ahaatee waxaanu ogayn in Xisbiyadu ay isku geysanayaan Tirooyin ay kala helayeen Goobaha Cod-bixinta, waxaana soo baxday in labada Xisbiba uu mid weliba uu dhankiisa u sheeganayey Guul, taasi oo xiisadda abuurtay, sida saxda ahna haddii laba Xisbi oo waaweyni ay labaduba hal mar wada sheegtaan Guul waxaad ogtahay in midkood khaldan yahay. Waxa kale oo aanu la soconay Cabashooyinka loo soo gudbiyey Komiishanka oo aan waxba kaga duwanayn kuwii aanu hore u sheegnay annagu, waxayna cabashooyinkoodaasi khusaysay dhacdooyinkii aanu hore u soo sheegnay ee aanu nidhi waxba kama beddelayaan Natiijada guud ee Doorashada.”

Madaxa Goob-joogeyaashii caalamiga ah ee ka socday 24-ka Dal oo hadalkiisa sii wata ayaa layaab ka muujiyey Cabashooyin badan oo Xisbiga WADDANI u gudbiyey Komiishanka Maalmihii Tirinta Codadku socotay iyo sida Hal Cabasho aanay u soo noqonin markii Natiijada lagu dhawaaqay “Intii Tirinta Codadku socotay waxa layaab ah in Xisbiga Mucaaradka ahi (WADDANI) uu hal mar ay soo gudbiyey 1500 cabasho oo aanu garan waynay goobaha ay kala yimaaddeen, waxaase mucjiso ah in markii Natiijada lagu dhawaaqay la waayey Hal Cabasho oo sii socotay.”

 

Exit mobile version