WAJAALE NEWS

Qaramada Midoobay Oo Si Kulul U Canbaaraysay Qaraxii Lagu Khaarajiyey Mid Ka Mid Ah Xildhibaanada Barlamaanka Somlia

Muqdisho(Wajaalnewsw.Net)Ergayga Gaarka Ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG), Nikolas Kay Ayaa Cambaareeyey Dilka Loo Geeystay Isaaq Maxamed Riino Oo Ahaa Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed

Dilka Mudanaha Kaddib Ayeey Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Ku Baaqday In Si Buuxda Loo Baaro Arrinta, Dambiilayaashane La Hor Keeno Cadaaladda.

Marxuum Riino Saakay Ayaa Lugu Dilay Muqdisho Kaddib Markii Ay Qarxeen Waxyaalaha Qarxo Oo Gaarigiis Lugu Xiray. Xubin Kale Oo Baarlamaanka Ka Tirsan Oo La Yiraahdo Maxamed Cali Iyo Dad Kale Oo Rayyid Ah Ayaa Ku Dhaawacmay Isla Weerarkaas.

“Waxaan Si Xoog Leh U Cambaareeynayaa Dilkaan. Waa In Si Buuxda Loo Baaraa Falkaan Argagixisnimada Leh, Dambiilayaashane Si Dhakhso Ah Loo Hor Keeno Cadaaladda” Ayuu Yiri Ergayga Gaarka Ah.

Mr Kay Ayaa U Diray Tacsi Tiiraanyo Leh Qooyskii Iyo Saaxiibadii Uu Ka Geeryooday Riino Iyo Sidoo Kale Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeedba Wuxuuna U Rajeeyey Mudanihii La Dhaawacay Maxamed Cali Iyo Dadkii Kale Ee Rayidka Ahaa In Si Dhakhso Ah U Biskoodaan.

 

Wajaalnews.Net

Hargeisa/Ofice

 

Exit mobile version