WAJAALE NEWS

Ragga Kursiga u Haliilaya Waxaan Leeyahay “Xilka Illaah Baa Bixiya, Samadaana Laga Bixiyaa ee ha Qawadin Nasiibkaaga,Wasiir Xirsi

Siyaasadu waa Hiraal “Political Vision” , bandhiga aragti bulshada qancin karta iyo barnaamij siyaasadeed taasi ayaad ku kasban kartaa taageerayaal tiro badan isla markaana qalbigooda iyo codkoodaba lagu hantaa balse cay iyo ceeb toona cod laguma helo !

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Ragga Kursiga u Haliilaya waxaan leeyahay “Xilka Illaah baa bixiya, Samadaana laga bixiyaa ee ee ha qawadin nasiibkaaga hana ka caban Illaahay ogaadana waxaan laguu qorin orod iyo ayaan toona laguma helo”

—————————————————————————————-

 

Dardaaran kooban oo ku aadan siyaasiyiinta u fahmay kasbashada quluubta shacabka cay iyo ceebayn:

 

Waxaa mudooyinkii u dambeeyey muuqanayey siyaasiyiin u fahmay tartanka siyaasada aflagaado iyo hanjaabado aan macno badan lahayn isla markaana dhagaha shacabka ku ridayay hadalo deelqaaf ku ah qaranimada shacabku dhisteen waliba sidaas ku moodaya in ay hayaan jidkii saxda ahaa ee lagu helayey cod iyo cudud shacab.

Waxaan shaki ku jirin in muftaaxa quluubta shacabku yahay in aad u soo bandhigo siyaasad ku dhisan aragti mustaqbal iyo bisayl siyaasadeed sidoo kalena aad aaminto in xilka samada laga bixiyo.

Waxaan aaminsahay in siyaasadu tahay Hiraal “Political Vision” , bandhiga aragti bulshada qancin karta iyo barnaamij siyaasadeed taasina lagu kasban karo taageerayaal tiro badan isla markaana qalbigooda iyo codkoodaba lagu hanto balse aanay ahayn cay iyo ceeb toona codna lagu helin !

Waxaa cad in tartan soo socdo isla markaana lagu tartami doono xisbi walba sida uu u soo bandhigo waxqabad iyo aragti horumar waxaan leeyahay “Tartan diyaarbaanu u nahay ee miidaanka kaalaya, dhaliil diyaar baanu u nahay wixii aanu leenahay, toosin iyo sixitaana diyaar baanu u nahay”

 

Hadaanu Kulmiye nahay shalay barnaamij baan bulshada u soo bandhignay , qorshe cad ayaanan la nimi,taasi ayaanan ku helnay cududa iyo codka shacabka markii aanu dawlada noqonayna ficil iyo fulin horumarineed ayaanu la nimi oo cid walba ka marag kacday.

Waa la ogaa shalay markaan bilownay jidka Ceerigaabo kuwii beeninayey ee lahaa samayn maysaan kuwii lahaa lacag ayaa lagu lunsanayaa kuwii dadka qalbiga ka jabinayey in cadceedu dabadooda kasoo baxday oo waxaad maanta marag ka tihiin in 150km aanu dhamaynay oo isugu jirta wax daamurkii la saaray iyo wax gabogabo marayaba oo WAXAA BUSHAARO AH IN AANU KEENAY DAAMURKII WADADA DHAMAYSTIRI LAHAA OO DHAN OO HAL FOOSTO NAGAMA MAQNA

Ugu dambayn waxaan siyaasiyiinta xasuusinayaa in cayda iyo qabylaadu tahay wax dhaqankeena ka caagan umaduna birimagaydo iyo milgo leedahay ee aan siyaasada iyo tartanka la qalad fahmin!

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Exit mobile version