Hargeysa(W,N)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa hawl gallo ay xalay ilaa saaka ka bilaabeen gudaha magaalada Hargeysa waxa ay ku qabqabanayeen dhalinyarada sita dhaqamada ka fog dhaqanka iyo Diinta Islaamka.
Waxaana ay ciidamadu saaka dhalinyaro tiro badan u qabqabteen suuqwaynaha caasimada Hargeysa,iyaga oo markaana ciidamadu dhalinyaradaasi qasab kaga xiirayay timaha ay qaabka qaldan u xiirteen,sidoo kalena waxay ka jeex-jeexayeen dharka ay xidhan yihiin ee dhuudhuuban.
Waxaana ciidamadu ay qaarkood u taxaabeen xasbiga,waxaana talaabadan aad ugu riyaaqay bulshadii suuqa ku sugnaa ee markaasi goob joogayaasha u ahaa hawl galladan ay ciidamadu bilaabeen.