WAJAALE NEWS

Masaajid Masar Ku Yaalla Oo 85 Ruux Lagu Dilay

Egypt,(W,N)-Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar bam iyo rasaas kale loo adeegsaday ku qaaday masaajid ku yaalla gobolka waqooyiga Sinai ee dalka Masar, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda.

 

Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray salaadda Jimcaha.

Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.

Dad lagu qiyaasay 80 kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadku.

Mid ka mid ah wararka halkaas laga helayo waxay sheegayaan in bartilmaameedku uu ahaa taageerayaasha laamaha ammaanka ee dawladda oo masaajidka ku tukanayay.

Madaxweyne Cabdul Fattax Al Sisi ayaa la kulmi doona laamaha ammaanka si uu dhacdadan ugala hadlo, sida uu ku warramay Telefishinka gaar loo leeyahay oo Masar ka hawlgala oo lagu magacaabo Extra News TV.

Illaa iyo hadda lama oga cidda masuulka ka ah weerarkan Jimcaha.

 

Exit mobile version