Sidoo kalena safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr David iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa ayaa waxay uu kulan gaar ah la qaateen guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland,gudoomiyaha xarunta xaquuqal Iinsaanka madaxa banaan ee Somaliland Guuleed Dafac,ururada Saxaafadda,masuuliyiin dawlada ka tirsan,maareeyaha dekeda Berbera iyo waliba maayarka magaalada Berbera.
Ujeedada socdaalka rasmiga ah iyo nuxurka qodobada ay ka wada hadleeen masuuliyiintani ayaa si rasmi ah loo ogayn balse warar xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in waftigan Ingiriiska ka socda socdaalkoodu salka ku hayo u kuur galiday u diyaar garowga doorashada madaxtooyada Somaliland oo fooda inagu soo haysa iyo waliba sidii uu masuuliyiintaasi ugala hadli lahaa sidii ay doorashadaasi ugu dhici lahayd nabadgaliyo iyo qaab xor iyo xalaal.
Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa la filayaa in inta uu joogo inuu kulamo la qaatay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”iyo wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland.
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane