WAJAALE NEWS

Sarakiil ka mida Hormuudka jamacadda Alpha University College ee magaladda Hargeysa oo si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta guud ee Jamacadda Alpha University ee casimadda Addis Ababa, ee dalka Ethiopia.

ADIS ABABA (Wajaalenews)Kulan kan oo daba socday Kulano sanadle ah oo dhex mara labada jamacaddood ee ALPHA University, Ethopia iyo ALPHA University, Somaliland, ayaa waxay kaga wada hadlayaan sidii…..

Sarakiil ka mida Hormuudka jamacadda Alpha University College ee magaladda Hargeysa oo uu Hogaminayo Pro. Ismail Ibrahim Dualle oo ah Hormuudka kuliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta guud ee Jamacadda Alpha University ee casimadda Addis Ababa, ee dalka Ethiopia

wafdigan oo hawlo shaqo u jooga adiss ababa ayaa soo dhawayntooda waxa ka qayb qaatay Madaxwaynaha Jamacadda Alpha University College Dr. Haileselasie welde gerima, Ku-xigeenka Dr. Zawdie Shibre, Iyo Diwaan haya guud ee jamacadda Alpha University College Ato. Kumsa. Waxa kale oo iyaguna ka qayb-galay arday hore uga qalin jabisay jamacadda ALPHA University faraceeda Hargeysa oo uu ka mid yahay Mohamed Haruun oo ka tirsanaan jiray Kuliyadda ICT.

Kulan kan oo daba socday Kulano sanadle ah oo dhex mara labada jamacaddood ee ALPHA University, Ethopia iyo ALPHA University, Somaliland, ayaa waxay kaga wada hadlayaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayadda waxbarasho ee ay u fidiyaan bulshadda ku dhaqan geeska Africa gaar ahaan Somaliland iyo Ethiopia, waxa kale oo ay kawada hadleen sidii khariiradda ay labada jamcadood kuwada shaqayn doonaan mustaqbalka fog loo diyaarin lahaa, isla markaana kulan kan xiga loogu qaban lahaa Somaliland dhamaadka bishan February, 2014. Wafdigan ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo noqdaan dalka 20 ka February 2014 oo beegan maalinta khamiista.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version