WAJAALE NEWS

Maxaa Sababay In Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Gabiley Ay Isku Shubaan Xisbiga Mucaaridka Ee Wadani ?

GABILEY (W,N) Maamul Xumada Maayarka Magaalada Gabiley Amiin Cumar Cabdi  ayaa sababtay in xildhibaanadii ugu tirada badnaa ee golaha deegaanka ahi inay todobaadkan  ku biiraan xisbiga mucaaradka ah ee wadani iyo qaarkalena la filayo in ay maalmaha soo socda iskaga baxaan kulmiye kadib markay maayarka la shaqayn kari waayeen isla markaana xukuumada kulmiye waxba ka qaban weydey cabashada ay usoo gudbiyeen iyo musuqmaasuqa uu ku kacay   maayarku shaqadiisu noqotay in mushaharkii shaqaalaha inuu ku iibsado shahaado sharaf isagoo horena mucaawinooyinkii abaaraha danihiisa shaqsi ku fushaday.

maayarka degmada gabiley Amiin  ayaa shacabka gabiley markii hore u han weynaayeen balse haatan ay ku hungoobeen kadib markii ay soo ifbaxday inuu yahay nin hanyar oo aan dhaafsanayn hanti urursi iyo hungurigiisa shaqsiga ah  taasi oo xiligan bulshada reer gabiley fooshka ku ifiyeen shaqsiyadiisa maamul.

isla markii maayar amiin  uu qabtay xilkaba waxuu degdeg u qaatay koorso uu siiiyay macalinkiisa ugu weyn oo ah xoghayaha fulinta dawlada hoose cabdiraxmaan nuur abokor oo isagu ku miciyaystay magaalada gabiley waxaanu u laqimay cashar ah inaanu marnaba u joojin xildhibaanada iyo shacabka gabiley toona ee kaliya kursigiisa uu ku ilaashan karo inuu ku xidhnaado xaawalayda iyo dhawr marwo oo uu hoosta uga xariiqay oo ayna muhiim ahayn inaynu sheegno balse reer gabiley ay si fiican u garanayaan,waana ta isbedelka ku keentay Maayar Amiin  ee ka soo saartay shaqsigan ay garan waayeen reer gabiley.

hadaba si kastaba ha ahaatee waxay tahay su,aasha iweydiinta mudan mujaahid muuse biixi cabdi iyo masuuliyiinta kulmiye miyaanay ka warhayn majarahabowga siyaasadeed ee ka socda gobolka gabiley ee uu sababta u yahay maayar Amiin kaasi oo aan ku eekeyn shanta xildhibaan ee dhawaan ku biiray xisbiga wadani balse ay is daba socdaan sheekh iyo shariifba reer gabiley oo ay iska xaadirinayaan xisbiga mucaaridka ah ee wadani.maalmaha soo socdana isbedelkaas  laga dareemi doona gobolka gabiley ee xisbiga kulmiye ku faano iyadoo aanay muuqan sidii wax looga qaban maamul xumada maayarka ,Eexda, kala qaybinta iyo musuq maasuqa daashaday maamulka gabiley.

La soco Qaybo kale oo daaha ka rogaya musuq maasuqa maayar amiin iyo cadadka lacageed ee uu siistay shahaado sharafyo iyo arimo kale oo xasaasiya /

 

Exit mobile version