WAJAALE NEWS

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u Magacaabay La tiliyihiisa Siyaasadda Maxamed Jaamac Cabdi (ISXAL) oo Kula Tartamay Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u Magacaabay La tiliyihiisa Siyaasadda Maxamed Jaamac Cabdi (ISXAL) oo Kula Tartamay Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID.


Hargeisa (wajaalenews.net);- Gudoomiyaha isla markaana ah musharaxa madaxwaynenimo ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta oo at bishu tahay 27 11 2016 u magacaabay Maxamed Jaamac Cabdi (ISXAL) inuu ahaado la taliyaha arimaha siyaasada ee dhanka Murashaxa Madaxwaynenimo ee xisbigaasi UCID sidoo kale ku amray wareegtadaasi uu ku magacaabay la taliyaha in dhamaan heerarka xisbigaasi la shaqeeyaan una fududeeyaan hawlaha shaqo ee uu gudan doono. Warqada magaabista oo dhamaystiranina waxay u dhignayd sidan: Maxamed jaamac Cabdi (ISXAL) ayaa hore ugula tartamay Faysal Cali Waraabe jagada musharaxa madaxwaynenimo ee Xisbiga UCID intii lagu jiray shirkii aan caadiga ahayn ee Xizbiga Ucid ee dhawaan ka qabsoomay Hargeysa, taas oo kaga guulaystay Faysal Cali Waraabe tartanka musharaxnimad Mudane Maxamed Jaamac Cabdi, (ISXAL) isla goobtaasna ku hambalyeey Maxamed Jaamac Musharaxa ka guulaystay ee Faysal Cali Waraabe, Waxaanu gobtaas ka qirtay in si xor iyo xalaal ah looga guulaystay.

Exit mobile version