WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Saddex Maalmood Oo Baroordiiq Ah

Muqdisho,(W,N) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aadan masiibadii shalay ka dhacday Magaalada muqdisho gaar ahaaan Isgoyska Zoobe, halkaasoo gaadhi xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay.

 

 

Madaxweynaha soomaaliya oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada muqdisho ayaa ka tacsiyadeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku naf waayay qaraxyadaas, isagoo alle uga baryay in jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan lala beegsaday dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa nolol maalmeedkooda caadiga, isagoo ku eedeeyay in Al-Shabaab inay weerarkan la beegsadeen shacab aan la waxba galabsan, oo ka turjumaya cadaawada ay u qabaan guud ahaan shacabka.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”ayuu yidhi Madaxweynaha soomaaliya.

 

Madaxweynaha soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Soomaaliya in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay qaraxa, gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Cisbitaalada.

“Qaraxyadan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasimadda muqdisho, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena.”ayuu yidhi Madaxweynuha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda  Federaalka Soomaaliya in ay jawaab cad ka keenaan qaraxan, isla markaana  ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka muwaadiniinta.

 

 

Exit mobile version