WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Addis.Ababa Lagu Soo Dhaweeyay

Addis.Ababa,(W,N) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha iyo waftigii la socday waxaa garoonka diyaaradaha Addis Ababa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya Workneh Gebeyehu.

 

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Africa ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

 

 

Waxaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah uu dhexmari doono madaxweynaha Soomaaliya iyo raiisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyadoona ay si qoto dheer uga hadli doonaan xidhiidhka iskaashiga ee labada dal gaar ahaan dhinacayda la xidhiidha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdalalkiisa Addis Ababa kaddib la filayaa in uu uga sii gudbo dalka Jabuuti, isaga oo kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta sare ee dalkaasi Jabuuti.

Exit mobile version