*MAANSADA CUSUB EE XEER-KU-DIRIR IYO MADAL LA ISKU ARKAY*
Hargeysa (W,N) – Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) ayaa soo bandhigay Maanso cusub oo la baxday Xeer ku dirir. Maansadan Xeer ku dirir waxa lagu soo bandhigay munaasibad la isku arkay oo ku qabsoontay Xarunta dhaqanka Hargeysa.
Abwaanku ka hor intaanu maansadda Ibo-furin waxaa uu sharaxay nuxurkeedda, isaga oo tilmaamay in ay guud ahaan ka hadlayso doorashada, la-doortaha Iyo doortaha.
Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku xusay Asxaabta siyaasada, *Maxaa ummad ahaan innaga qaldan? Maxaynuse u baahan nahay? “*Dad iyo dal baynu nahay haysata nabad taam ah, balse caddaalada iyo ku dhaqanka sharciga qallooc kaga jiro.
Waxaad mooddaa inay inaga burburtay ummadnimadii iyo wax-wada-lahaanshihii, oo ay halkeedii inoo gashay cunfi iyo qabyaaladi.?” Sidaas ayuu yidhi abwaanku.
Waa uu sii waday, hadba dhinac ayuu iska taagay Asxaab iyo ummadba.
Dhaliillaha aynu wada leenahay ayuu Toosh weyn ku iftiimiyay si guud xalalka uu is leeyahay waa lagaga gudbi karraana si gaar ah ayuu farta ugu
fiiqay, dabadeedna waxaa uu u gudbay Maansaddii oo isla intii uu hadal ahaanta u yidhi Hawraar ahaan ugu qotonta.
Maansada Xeer-ku-dirir oo soo baxday 1dii September 2017. Waxaa uu ku
bilaabay Xasan Dhuxul “Laabsaalax” oo yidhi.
https://youtu.be/kAXtR3DNP3E
Cidna weli ma deddafayn
Suugaanna kuma durin
Mana ihi nin deelqaaf
Hadalladu ka duulaan.
Weli xaajo dalabliyo
Wax damiirku qoonsado
Anoo daah ka rogi kara
Marna dhaayo kama dedan;
Cidna libin dirqiya iyo
Guul dulsaar ah kuma ladhin.
Waa diirad maasadu
Lagu tuso dad waynaha
Nin ka galay dunuubtee
Kii dudaaya yeelkii
Mana lihi dan gaaree
Wayga Daacadee Dhugo
Haddaan dib-u-dhacaagiyo
Guushaada doorka ah
Mid kastaba diwaan culus
Maalmuhu ku daabicin,
Taariikhda duuggii
Dorraad kaaga marag noqon,
Dhacdo kaaga tagin deris,
Gudcur dam ah ma dhaantide
Wax ka baro duruufaha
Deris maalmihii tagay
Dib u dheeho waayaha
wax ku dooro maankaa.-
Marka arrin dakaamiyo
Xaajo dalab leh weligeed
Damal lagu gorfeeyiyo
Xeerbeegti diran iyo
Duqay loo xishaa jiray,
Waxa dhaca dawayn jiray.
Nin kastoo dankano gala
Dabar celiya baa jiray.
Wax kastoo is-diid dhala
Xal dabiiba baa jiray.
Hadduu xaalku dacar iyo
Deebaaq qadhaadh yahay
Hoos baa loogu degi jiray.
Maanta waa is daba yaac
Aaway kala danbayntii?
Daacaddiyo run-sheeggii
Waa laga dul guuroo
Daba-huwan siday tidhi:
“dadku waxay wax ka arkaan
Dibnihiyo hungurigaa!”—
Waa dood su’aal leh’e
Dammiirki maxaa helay?
Inta dufanku mood yahay
Dhaameelku deeq yahay
Culimadu danley tahay
Oday-dhaqan dillaal yahay
Koofiyadaha demiska leh
Wax ku doono laga wado,
Danbaskana sabool yahay
Noloshuna dirsooc tahay
Dabaqado bulshadu tahay
Reernimo danguud tahay
Qarannimo daldalan tahay
Xilku duudsi-dhale yahay
Digreetadu rasaas tahay
Garashooy! Ayaan daran.—
Dulmi wade intuu weli
Dulmanaha ka mudan yahay,
Eexdiyo ku digashadu
Intay darajo leedahay,
Daacadnimo masuug tahay
Cadliyow laguu dagan!
Inta weli la door bido
In qabyaalad lagu dago
Dalka ruuxa hagi kara
Oo ruux la dabo wado
Dano gaara laga rabo
Musuqoow lagu diran!
Waa duniyo xaalkeed
Xagal daacsanaantuye
Hal doorkii maxaa helay?
Horta mee dal-jirihii?
Xumo-diid ha joogee
Indheer garad docdiisii
Hadmuu daad ka soo galay?
Ninka nabadda deyn ku leh
Ee dirir ka baaqsaday
Ha u sheego dunidee!
Qof dastuurka magansaday
Sharcigana dabiib biday
Oon xeer difaacayn
Awoodaha dulsaarka ah
Maxaa uga damiin noqon
Mar- hadii rag doobshaa