Maansada Xeer Ku Dirir Ee Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Iyo Wakhtiga Ay Kuso Beegantey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maansada Xeer Ku Dirir Ee Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Iyo Wakhtiga Ay Kuso Beegantey.
October 9, 2017 - Written by Editor:

*MAANSADA CUSUB EE XEER-KU-DIRIR IYO MADAL LA ISKU ARKAY*

Hargeysa (W,N) – Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) ayaa soo bandhigay Maanso cusub oo la baxday Xeer ku dirir. Maansadan  Xeer ku dirir waxa lagu soo bandhigay munaasibad la isku arkay oo ku qabsoontay Xarunta dhaqanka Hargeysa.

Abwaanku ka hor intaanu maansadda Ibo-furin waxaa uu sharaxay nuxurkeedda, isaga oo tilmaamay in ay guud ahaan ka hadlayso  doorashada, la-doortaha Iyo doortaha.

Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku xusay Asxaabta siyaasada, *Maxaa ummad ahaan innaga qaldan? Maxaynuse u baahan nahay?  “*Dad iyo dal baynu nahay haysata nabad taam ah, balse caddaalada iyo ku dhaqanka sharciga qallooc kaga jiro.

Waxaad mooddaa inay inaga burburtay ummadnimadii iyo wax-wada-lahaanshihii, oo ay halkeedii inoo gashay  cunfi iyo qabyaaladi.?” Sidaas ayuu yidhi abwaanku.

Waa uu sii waday, hadba dhinac ayuu iska taagay Asxaab iyo ummadba.

Dhaliillaha aynu wada leenahay ayuu Toosh weyn ku iftiimiyay si guud xalalka uu is leeyahay waa lagaga gudbi karraana si gaar ah ayuu farta ugu

fiiqay, dabadeedna waxaa uu u gudbay Maansaddii oo isla intii uu hadal ahaanta u yidhi Hawraar ahaan ugu qotonta.

Maansada Xeer-ku-dirir oo soo baxday 1dii September 2017. Waxaa uu ku

bilaabay Xasan Dhuxul “Laabsaalax” oo yidhi.

https://youtu.be/kAXtR3DNP3E

Cidna weli ma deddafayn

Suugaanna kuma durin

Mana ihi nin deelqaaf

Hadalladu ka duulaan.

Weli xaajo dalabliyo

Wax damiirku qoonsado

Anoo daah ka rogi kara

Marna dhaayo kama dedan;

Cidna libin dirqiya iyo

Guul dulsaar ah kuma ladhin.

Waa diirad maasadu

Lagu tuso dad waynaha

Nin ka galay dunuubtee

Kii dudaaya yeelkii

Mana lihi dan gaaree

Wayga Daacadee Dhugo

Haddaan dib-u-dhacaagiyo

Guushaada doorka ah

Mid kastaba diwaan culus

Maalmuhu ku daabicin,

Taariikhda duuggii

Dorraad kaaga marag noqon,

Dhacdo kaaga tagin deris,

Gudcur dam ah ma dhaantide

Wax ka baro duruufaha

Deris maalmihii tagay

Dib u dheeho waayaha

wax ku dooro maankaa.-

Marka arrin dakaamiyo

Xaajo dalab leh weligeed

Damal lagu gorfeeyiyo

Xeerbeegti diran iyo

Duqay loo xishaa jiray,

Waxa dhaca dawayn jiray.

Nin kastoo dankano gala

Dabar celiya baa jiray.

Wax kastoo is-diid dhala

Xal dabiiba baa jiray.

Hadduu xaalku dacar iyo

Deebaaq qadhaadh yahay

Hoos baa loogu degi jiray.

Maanta waa is daba yaac

Aaway kala danbayntii?

Daacaddiyo run-sheeggii

Waa laga dul guuroo

Daba-huwan siday tidhi:

“dadku waxay wax ka arkaan

Dibnihiyo hungurigaa!”—

Waa dood su’aal leh’e

Dammiirki maxaa helay?

Inta dufanku mood yahay

Dhaameelku deeq yahay

Culimadu danley tahay

Oday-dhaqan dillaal yahay

Koofiyadaha demiska leh

Wax ku doono laga wado,

Danbaskana sabool yahay

Noloshuna dirsooc tahay

Dabaqado bulshadu tahay

Reernimo danguud tahay

Qarannimo daldalan tahay

Xilku duudsi-dhale yahay

Digreetadu rasaas tahay

Garashooy! Ayaan daran.—

Dulmi wade intuu weli

Dulmanaha ka mudan yahay,

Eexdiyo ku digashadu

Intay darajo leedahay,

Daacadnimo masuug tahay

Cadliyow laguu dagan!

Inta weli la door bido

In qabyaalad lagu dago

Dalka ruuxa hagi kara

Oo ruux la dabo wado

Dano gaara laga rabo

Musuqoow lagu diran!

Waa duniyo xaalkeed

Xagal daacsanaantuye

Hal doorkii maxaa helay?

Horta mee dal-jirihii?

Xumo-diid ha joogee

Indheer garad docdiisii

Hadmuu daad ka soo galay?

Ninka nabadda deyn ku leh

Ee dirir ka baaqsaday

Ha u sheego dunidee!

Qof dastuurka magansaday

Sharcigana dabiib biday

Oon xeer difaacayn

Awoodaha dulsaarka ah

Maxaa uga damiin noqon

Mar- hadii rag doobshaa

COMMENTS
LINKS