WAJAALE NEWS

Liiska Hagardaamooyinkii Xukuumada kulmiye Taariikhda loogu qoray intii ay dalka hagaysay. Qalinkii A/rahman fidhinle UK. Q.5

Taa soo xasuus taban ku reebtay dhamaan shacabka JSL ee ay codka iyo cuudkaba ka doonayso.

 

Waxa  shacabka JSL isku wada raaceen in waxyaabihii  ay xukuumada kulmiye ummadda uqabatey ay ka sii culus yihiin diiftii, dil-dilaacii, hintaaqadii, qeybsanaantii, qabyaaladii,iyo afooyinkii godobta wada ahaa ee ay kala dhex dhigtey shacabkii iyo dhamaan beelihii iyo bulsho weyntii walaalaha ahaa ee reer Somaliland. Waxay xukuumada kulmiye ay cadaalad daro  u qaybisey manfacii,magantii, mooradii, mansabkii,fursadihii ilaha dhaqaalaha, dhulkii danta guud ahaa, kontaratyadii iyo Liisamadii hantida maguuraanka ah ee loo baahnaa in ummaddu wada yeelato. Boowe ! nala wadaaga qodoban hoose ee xukuumada kulmiye maareyntoodii ku fashilantay  sidii ay isaga maydhi laheyd fadeexadii iyo ceebihii gunnimada ahaa ee goobahaas ka soo gaadhey oo ilaa  iyo maanta  xukuumada kulmiye ku ah bar madow oo aaney iska meydhi karin ee taariikhda ugaley, Taa soo  xasuus taban ku reebtay dhamaan shacabka JSL ee ay codka iyo cuudkaba ka doonayso.

 

 1– Dilkii-foosha xumaa ee Seemaal ee loo xidh-xidhey dadka fara badan oo uu kamid ahaa la taliyihii hore ee siyaasada ee isla markaana xilka lagaga qaadey taliyihii ciidanka qaranka ee hawlkarka ahaa. Bal-iyana yara xusuusta  fadeexadii iyo ceebihii  gunimada ahaa ee ka dhacey  Ceel-bardaale iyo sidii loo maareyey.

 

2- Dagaalkii  dhiilada badnaa  ee ka dhacey Degaanka Buuhoodleh iyo kalshaaleh ee xilkiisii uu ku waayey taliyihii ciidanka qaranku, ee ciidamadu  ku dhinteen, qaarna ay ku dhaawacmeen.Taas oo ay waayadan danbena  ay xukuumadani ku fashilantey sidii degaankaa Buuhoodleh maamul-daadejinta dawladnimada S/land loogu fidin lahaa.

3- Diyaaradii sidey saanadda  ciidamada ee Puntland ee waxoogaga lacagta ah laga qaatey, kadibna lafasaxay ee ooda laga qaade.

4- Raashinkii danyarta laga duudsiyey oo dhamaa 2 doonyood oo buuxa ee dib loogu eedeeyey xeyndaabkii madaxtooyada iyo madaxdii xukuumada taas oo aan ilaa iyo hadana aan la garaneyn Lunsigaa raashinka danyarta cidii masuuliyadeeda laheyd.

5- Liisankii ama rusqadii qaraabo kiilka ahaa ee shirkada ninka keliya leeyahay loo caseeyey ee la siiyey Buurihii  Sibidhka ahaa oo ahaa ASSET-kii ummadda Somaliland oo dhami wada laheyd

6- Ceebtii ka dhacdey Doorashadii golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey 12/11/12 ee ay xukumuudu af-duubtey ee sida ay doontey ugu shubatey ilaadadii iyo foodkii shacabka, taas oo ay ku dhinteen dhalinyaro qaar-na ay ku dhaawacmeen halkaasna ay ku wiiqantey sharaftii iyo karaamadii doorashooyinka S/land lagu amaani jirey ee lagu majeeran jiray..

7) – Waxaa cadaan ah in  xukuumada uu musuq-maasuqeedu uu ku saleysnaa jeegaan,  isxaafadeysi, iskooxeysi, xabkeysi, ganacsi , shaqsi jecleysi iyo hadaf waqti-dheer ah oo ay u-meel-sameysanayaan koox yar oo gaar ahi sidii ay  hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda ka dhaxeysey ay ugu noqon lahaayeen mulkiilayaasha mustaqbalka ee berito,. Nasiib daro waxaa uu maanta ASSET-kii iyo hantidii maguuraanka aheyd ee qaranku uu ku ragaaday oo ku baa’ba’een gacmihii xukuumadii lagu aaminey ee loo dhaariyey in ay ka odayeyso oo bad-baadiso oo ku qaybiso sife cadaalad ah oo sharciga  waafaqsan.

8) – Waxaa Xukuumada  Fadeexad qaawan laf-jab iyo Ceeb ugu filan lacagihii Mallayiinka Doolar ahaa ee xaqal-qalinka ahaa ee ay ka qaadatey DPW, Saldhiga Berbera, shirkada Macdanta ka baadha buurta Siimmon iyo Shirkadihii Sahaminta Batroolka oo ay ugu horeyso shirkadii wadanka ka baxdey ee Genal Energey iyo shirkadihii kale ee ay qiratey in ay heshiisyo  la gashey kuwaas oo ay ka midka ahaayeen shirkadaha shidaalka ee DNO, ASDAN, RAAS-GAAS iyo AVEAL.kuwas oo aan Baarlamaanka la marin.

9) – Caadooyinka gunnimada ah ee ay xukuumada Kulmiye ay had iyo jeer kula  galgalato Saxaafada iyo Xisbiyada mucaaridka ah ayaa tiro beelay.Waxaa qaar ka mid ah kaadiriinta Xisbiyada laga horjoogsatey in ay booqdaan Gabiley iyo Burco, waxaa qaar lagu garaacay Caasimada dhexdeeda, waxaa xabsiyada loo taxaabay qaar ka mid ah  Gudoomiyayaashii Xisbiyada mucaaridka oo Dumar iyo Ragba isugu jira, waxay albaabada ulaabtey wargeysyada Hubaal, Haatuf iyo Somaliland times , waxay xabsiga dhigtey wariyayaal tiro beelay oo uu ka mid ahaa tafatirihii Haatuf mujaahid Yusuf Abdi Gaboobe oo uu weliba  Xeer-ilaaliyihii uu maxkamada dhexdeeda ugu hanjebay.

10) – Waxaa ummadda ucadaatey in aaney maanta S/land jirin Maslaxad Qaran, mar hadii xukuumadu habkii dimuqraadiga ahaa ay u bedeshay jeegaan iyo jifo-qabyaaladeysan, maadaama ay xukuumada Siilaanyo ubanbaxdey burburinta jawigii Dimuqraadiga ahaa iyo Geedi socdokii Dimuqraadiga ahaa ee JSL ku taami jirtey mudada dheer, Taas oo ummadda u cadeysay in  maanta Xukuumada Kulmiye Siyaasadeedii isugu soo ururtey khidad daciifa oo deris ku nool ah oo hagbad ah oo ay dhuuxa ka gashey Aargoosi Degamsan, Cadaawe Siyaasadeed, xiisad sameyn iyo xaalad abuur ku raadgadasho ah oo dalka dib loogu boobo.

11)- Waxaa ummadda Somaliland wada daalacatey oo u- fiirsadeen siyaabaha ay usocoto maamulmaareynta hawlmaalmeedka xukuumada Siilaanyo ee isugu soo ururtey Xeyndaabka Madaxtooyada waxaana waxgaradka fogaan araga ahi isku wada raaceen in hogaanka xukuumadu aanu weli ka xoroobin aragtida gaaban ee iskooxeysiga iyo isxaafadeysiga ku saleysan , Taas oo aaney tusin weli xukuumad ahaan shacabkii dirtey ee doortey karti siyaasadeed oo hufan oo ku saleysan feker buuxa iyo aragti dheer ( vision ) laakiin uu xaalkeedii hada ku soo ururey oo uu noqdey himbiriirsi, dhafan-dhaaf, dhalaan habaabis, dhal-dhalaal been ah,  iyo musuq-maasuq xadkii dhaafey iyo qaraabo kiil,boobaay yaa wadanii ah oo hantidii yareyd ee ummaddan baahan  lagu lunsanaayo.

12 ) – Maadaama ay xaqdaro tiro badani ay wadanka ka dhacdey intii ay xukuumadani gadhwadeenka ka aheyd Somaliland, maanta iyo haatana ay doorashadii fooda inagu soo hayso iyada oo aan weliba lagu kalsooneyn Garsoorkii ummadda u dhaxeeya ayey hadana xukuumadu u soo cumaamaday Salaadiin Gobolada Meeraysta oo qabyaalad ku kaambeyn gareeya  waxaana ay arintani  wadanka ku keeni kartaa cawaaqib xumo iyo in Garsoorka  laga aamin ka baxo oo gacmaha la isula tago ka dibna dagaalku isku bedelo dagaalo sokeeye oo qarxa, alleh ha inaga hayee.

Guntii iyo-Gebogebadii:  Siyaasada guracan ee xukuumada Kulmiye  waxay lumisey haykalkii, hanaankii iyo karaamadii dawladnimo,taasna waxaa cadeyn kuugu filan  qobadaa tirada beelay ee aan kor kaga soo dhawaajiyey.Danta guud ee Somalilandna  waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba   in xal la raadiyo oo codka la siiyo Xisbiga isbedel doonka ee waddani si wadanka loo bad-baadiyo laguna soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.

Anigu Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa, Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso oo u codkiina siiya xisbiga  isbedel doonka Somaliland ee Waddani!”

 

Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

inafidhinle@gmail.com

Exit mobile version