WAJAALE NEWS

Shacbigu waxaa ay Xukuumadda uga fadhiyaan in adeegyada Aasaasiga ah ay gacanta dawladda Kusoo Celiso

Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa ay shacbigu ka naawilayaan inay  gacanta dawladda ku soo celiso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada oo u gacan galay ganacsato naxariistii ka tagtay kuwaas oo qayb ka noqday sicir bararka ragaadiyey noloshii danyarta.  Adeegyadan oo aynu tusaale u soo qaaadan karno korontadii, isgaadhsiintii, waxbarashadii iyo caafimaadkii oo u gacan galay ganacsato la odhan karo waxa ka guurtay naxariistii waxaa dhammaantoodba lacagta lagu bixiyo ay ku sar go’an yihiin lacagta doollarka, haddiii shilinka Somaliland aad ula tagtana lagaa ogolaan maayo ee af buuxa ayaa lagu gu odhanayaa dollar kasoo dhig. Waxa kaliya ee gacantii dawladda ku hadhay waxaa u noqday biyihii oo ummadu iskaga noolayd kuwiina waxaa ay wakaalladii biyuhu kor u qaaday lacagtoodii.

Haddaba  waxaa xukuumadda aan ugu baaqayaa inay gacanteeda ku soo celiso adeegyada bulshada u muhiimka ahayd si meesha ay uga baxdo korodhka ku yimi adeegyadan. Waxaa kale oo iyana u baahan lacagtooda lagu sar gooyo shilinka Somaliland si meesha looga saaro dollarka, laguna bedelo in kaashka Somaliland lagu biyo khidmada iskuulada gaarka looleeyahay, laydhka, caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo kirooyinka guryaha.

Allaa mahad leh

 

Siyaasi Axmed Maxamed Gobanimo

 

Hargeysa, Somaliland

 

 

Exit mobile version