WAJAALE NEWS

Kooxda Al-shabaab Ee Buuraha Gal-gala Oo Xalay Qabsaday Magaalada Laasqoray

Laasqoray(W,N) -Kooxda Al-shabaab ee fadhigeedu yahay Buuraha Galgala ayaa xalay soo galay gudaha magaaladda Laasqoray, halkaas oo ay muddo badan ku sugnaayeen, balse markii danbe ay isaga baxeen.

 

 

Alshabaab ayaa la sheegay inay Lug ku soo galeen, iyadoo tirada ciidankooda lagu sheegay inay gaadhayeen Boqol dagaalyahan.

Kooxda soo gashay Laasqoray ayaa lagu soo waramayaa inay u khudbadeeyeen dadka magaaladda kadib na ay dib ugu noqdeen halkii ay ka yimaadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka taageen magaaladda Laasqoray Calanka kooxdaasi isla markaana ay si nabadgelyo ah uga baxeen.

 

Exit mobile version