WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Ololaha Heer Qaran Ee Waddani Iyo Masuuliyiin Kale Oo Sitoos ah Ugu Tagey Danyarta,

Hargeysa (W,N)-Gudoomiyaha Ololaha Doorashada Madaxtooyadda heer Qaran ee Xisbiga Mucaaridka aj Waddani Xamse Cabdiraxmaan Kheyre iyo Masuuliyiin kale oo katirsan hogaanka Heer Qaran ee Xisbigaasi ayaa, si fool ka fool ah u Waajahey dadka Danyarta ah ee Xisbiga Waddani maalintiisii Sadexaad ugu Badelay ololaha Tartanka Doorashada Madaxtooyada Smaliland.

Waxaana ku Wehelinayey Qeybinta Masaakiinta iyo Danyarta uu Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani u qeybiyey Xoolaha iyo Raashinka Gudoomiyaha Ololaha Heer Qaran Xamse Cabdiraxmaan Kheyre, Xoghayihii Hore ee D/hoose ee Caasimada Hargeysa Mawliid Waris iyo Waliba Cabdi Siciid Raygal oo kamid ah Hawlwadeenada Qurba jooga ah ee Sida Weyn ula Shaqeeya Xisbiga.

Gudoomiyaha ololaha Xisbiga Waddani Xamse Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Mudooyinkii Dambe siweyn ugu guda jirey Istaraatijiyada iyo hal abuurka Qorshayaasha la Xidhiidha hab isticmaalka Tiknoolajiga ah casriga ah ee Taageerayaasha iyo Codbixiyayaasha u sahlaya in ay kula hadli karaan Murashaxooda Xisbiga Waddani ee Jagada Madaxweynaha Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), iyo dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga si ay u codkooda oo xaqiiq ah ugu hibeeyaan Xisbiga Waddani,iyadoo arimahani qeyb ka noqdeen arimaha ku Cusub loolanka Xisbiyada ee Tartanka Doorashada sidaa Daraadeedna uu yahey qodobada la taaban karo ee Xisbiga Waddani dheer yahey labada Xisbi ee Kale.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version