WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Degmada farowayne Oo Calankii Sudhnaa Xafiiskii Xisbiga Wadani Ee Degmada Gacantiisa Ku Jar jaray Iyo Xubno ka Hadlay Dhacdadan,

“Markii ay Diideen Ciidankii la Socday In Dejiyaan Calankii Xisbiga Wuxuu Gudomiye faysal Gacantiisa ku Jar jaray Asmaahihii Xafiisa” Goob Jooge ka Waramay dhacdadan.

FAROWAYNE(W,N) Gudoomiyaha Degmada farowayne Ee  Gobolka Maroodi jeex Faysal Dheere Ayaa ayaa  sida wararka aanu haleyno lafta farowayne  Oo ay noo xajiiyeen Masuliyiinta xisbiga wadani Ee degmada iyo Dadwayne kale oo goobta u sugnaa in maanta galinkii danbe canbaaro 4;00pm uu gudoomiyaha degmada farowayne faysal dheere oo wata ciidamo iyo xubno kamida cuqaasha magaaladu uu tegay xafiis loo kireeyay xisbiga wadani  kaasi oo ciidamadii ku amray in la dajiyo calanka xisbiga wadani ee sudhan xafiskan isagoo sidoo kale  xoog ku galay gudaha gurigan.

Ugu Horay Mulkiilaha guriga uu kuyaalay xafiiska xisbiga wadani  oo lagu magacaabo  ayaa kawaramay sida ay wax udhaceen wuxu yidhi “waxaa gurigay iigu yimid gudoomiyaha degmada oo wata ciidan wuxuuna igu yidhi calanka ka goo guriga, waxaanan ugu jawaabay anigu ma goyn koro waayo waxaan ahay shaqaale sidoo kale waxaa iyana diiday Amarkan odoyaashii la socday iyo ciidamadii oo uu marka hore kusoo kexeeyay waxaan soo xidhaynaa nin guri uu naka kireeyay cidkale kasii kireeyay, “wuxuna ku armay in  dajiyaan calanka xisbiga wadani oo isagu sudhnaa xafiiska , nasiib wanaag ciidamadii la socday iyo odoyashiiba way diideen ficilkaa sharciga baalmarsan.‘

Mardii danbe ee ay diideen ciidamadii iyo odoyaashii la socday waxaa calankii gacantiisa ku dajiyay  gudoomiye faysal  isagoo si badheedha ugoogooyay calankii halka uu googi Iisiina uu ku ritay jeebka, waxaa sidaa yidhi mulkiilaha gurigan.

Dhanka kale waxaanu Isna Khadka telefonka Aanu kula xidhiidhnay xubin kamida  xisbiga wadani ee lafta farowayne  Mr Ismaaciil Cabdilaahi Muxumed, oo isna arintaa ka hadlaya Wuxu Yidhi  “dhacdo fool xun ayaa maanta ka dhacday lafta farowayne goobtan uu  xafisku ku yaalo waxaa yimid gudoomiyaha degmada oo Askar wata, wuxuna soo weeraray xafiiskii xisbiga wuxuna gacantiisa ku goo gooyay calanki xafiiska sudhnaa, waxaana meesha ka dhacay arintaa foosha xun  dhacdadana waxaa ka dagaalamay xataa taageerayaashii xisbiga kulmiye  oo iyagu diiday ficilkan, foosha xun Xataa cuqaashii reerka Ee markii hore la socday waxa uu fuliyana uu waxba ka ogaysiin waxayna    ku yidhaah deen meesha haynagu ceebayn, balse nasiib daro umuu joojin,

Iasgoo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi “Waxaana arintaa cadaynteeda nooga markhaatiya cuqaaasha  waliba xataa askartii ayaa xoog uga xumaaday dhacdadan uu gudoomiyuhu  ku kacay. Sidaa waxa yidhi Xubintan katirsan xisbiga wadani ee Lafta farowayne,

Dhanka kale waxaani isku dayday in aanu wax ka waydiino dhacdadan gudoomiyaha Degmada balse aanu waynay khadka felefoonka, kadib markii uu naga qaban waayay,

Iskasta oo ay tahay talaabadan ayaa noqonaysa mid ka hor imanaysa geedi socodka hanaanka dumuqraadiya Somaliland iyo sidoo kale hamsami usocodka ololaha doorashada oo ay tahay ku keeni karto  ficilo foolxun oo ka dhex bilowday taagerayaasha xisbiyada

Waxaanay talaabadan uu ku kacay gudoomiyaha degmada farowayne ayka hor imanaysaa wareegtadii madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland dhawaan soo saaray iyagoo  haayadaha kala uu ku amray  in ay si siman loo ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin Asxaabta Qaranka .

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version