WAJAALE NEWS

Faah faahinta ; Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Qaraxii Shalay Ee Muqdisho Sobobay Oo Sii kordhaysa,

MUQDISHO (W,N) – Inkastoo dowladda federaalka aysan wali soo saarin tirkoobka rasmiga ah dadkii ku dhintay qaraxii maalintii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe  iyo dhaawacba ayaa haddana dhinaca kale qaar ka mid ah Agaasimayaasha goobaha caafimaadka waxaa ay xaqiijinayaan tirada rasmiga meydadka la soo gaarsiiyay goobahooda caafimaadka.

Ku-xigeenka koowaad ee gollaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed [Abshir Boqaari] ayaa sheegay in Agaasimaha Isbitaalka Maxamed Yuusuf uu u sheegay in isbitaalka Madiina oo kaliya la dhigay meydadka dad gaaraya 220 ruux.

‘’Agaasimaha isbitaalka Madiina waxaa uu inoo sheegay in la gaarsiiyay isbitaalka meydadka 220 ruux oo ku dhawaad 130 ka mid ah ay adag tahay in la aqoonsado muuqaalkooda’’ ayuu yidhi Abshir Buqaari.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay jiraan meydad kale oo la dhigay isbitaalada Muqdisho sida isbitaalka Digfeer oo ka mid ah goobaha caafimaadka ee lagu dabiibayo dadka ku dhaawacmay qarxay.

Dhanka kale waxaa ilaa hada la kala garan laayay maydadka dadkii ku geeriyooday qaraxan.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay xaqiijinta tirkoobka saxda dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qarxa.

Exit mobile version