WAJAALE NEWS

Duufaan Iyo Roobab 22 Ruux Ku Dilay Bartamaha Ameerika

Hargaysa.(W,N) – Dabaylo roobab mahiigaanno ah wata ayaa lagu soo warramayaa in ay ugu yaraan 22 ruux ku dileen Costa Rica, Nicaragua iyo Honduras ka hor intii aysan u jihaysan Maraykanka.

 

 

Xaalad degdeg ah ayaa lagaga dhawaaqay dalal ku yaalla Badhtamaha Ameerika, halkaas oo lagu la’yahay 20 ruux.

Roobab mahiigaanno ah oo da’ay ayaa sidoo kale sababay, dhul go’ay iyo daadad gooyay waddooyinkii, iyadoo buundooyinna ay burbureen.

Sidoo kale guryo badan ayay waxyeelo ka soo gaaDHay roobabkaasi.

Ku dhawaad 400,000 oo kun oo ruux ku nool dalka Costa Rica ayaan haysanin biyo qasabadaha ka socda, kumannaan ruuxna waxay seexdaan goobo dadka loo diyaariyay.

Ugu yaraan lix ruux ayuu ku dhintay duufaanta halkaas ka dhacay, 11 ruux oo kaleetana waxay ku dhinteen markii ay u warreegtay dhanka waqooyi ee ay gaaDHay Nicaragua.

Saddex ruux ayaa ku dhimatay Honduras kuwo kale oo badanna waa la la’yahay.

Dhammaan khadadkii tareenka ee Costa Rica ayaa la xidhay duulimaadyo badanna waa la baajiyay Khamiistii.

Beero xayawaan oo badan oo heer Qaran ah oo caan ku ah dalxiiseyaasha ayaa iyagana albaadaba loo laabay ka hortag ahaan.

Exit mobile version