WAJAALE NEWS

Xaflad Shalay Xisbiga Kulmiye Qabsadeen Oo Lagu Quudhsaday Xildhibaan Naasir Cali Shire Iyo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Goobtaasi Ka Dhacay

Hargeysa,(W,N)- Fadeexad aad u xun ayaa la kowsatay xildhibaan Naasir Cali Shire kadib markii shalay loo diiday in uu ka hadlo xaflad ay xisbiga Kulmiye u qabteen siyaasiyiin ku soo biiray,Xildhibaan Naasir  Cali Shire oo ka mid ahaa dadkii shalay xaflada loo qabtay ayaa gabi ahaanba loo diiday in uu goobtaasi ka hadlo xaga codbaahiyaha Iyadoo ay meesha ka hadleen dhaman siyaasinyiintii kusoo biiray kulmiye.

 

Goobta xaflada lagu qabnaayay ayaa waxa joogay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo wasiiro ka mid ah xukumadda.

Waxana aakhirkii ay xafladaasi isu badashay dhamaadkeedii buuq iyo dagaal kadib markii xildhibaan Naasir  Cali Shire oo la quudhsaday loona diiday in uu goobtaasi ka hadlo uu dagaaal gacan ka hadal ahi dhexmaray  Mustafe Waxdad oo ah xoghayaha golaha dhexe ee xisibiga Kulmiye oo ahaa shaqsiga qaybinaayay hadalka waxana aakhirkii dibada loo tuuray Xildhibaan Naasir Cali Shire oo goobtaasi cadho kaga huleelay

 

 

WARIYE XAMSE JIRDE AXMED

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version