Hargeysa(W,N)-Wadada wayn ee isku xidha magaalooyinka Hargeysa ilaa Berbera gaar ahaana inta u dhaxaysa Hargeysa ilaa Dacar-budhuq ayaa burbur xoogan ka muuqdaa,waxaana jidkaasi ka qodmay godad waa wayn oo dhib badan ku haya gaadiidka iskaga kala goosha gobolada galbeedka iyo bariga Somaliland.
Waxaana jidkaasi ay noqotay mid dib u burburtay kadib markii dayactir xoogan lagu sameeyey wadadan oo dib u burburtay ayaan wax dayactir ah lagu samayn tan iyo intii uu wasiirka Hawlaha guud ahaa wasiir Cali Maxamed Xasan “Mareexaan.”.
Waxaana ay wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeyntu ay ku fashilantay inay dayactir iyo dib u dhis ku samayso wadadaasi oo ah jid halbowle ah,isla mararka qaar sababta shilal gaadiidka oo sababta khasaare naf iyo maalba leh.
Wadayaasha Gaadiidka qaar ayaa sheegay in burburkan wadada ay sabab u yihiin gaadiidka waa waayn ee xamuulka qaada,gaar aahana sida ay carabka ku dhufteen gaadiidka raashinka mucaawimada ah usoo qaada dalka Itoobiya,kuwaas oo raashinka kasoo rara maraakiibta kusoo xidhata dekeda maggaalada Berbera.