|
|||||
WAJAALE NEWS
Wadada Wayn Ee Isku Xidha Hargaysa Ilaa Dacar Budhuq Oo Burburtay, Gaadiidka Oo Ku Dhibaataysan Iyo Wasaarada Hawlaha Guud Oo Ku Fashilantay Inay Dayactirto
September 4, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Wadada wayn ee isku xidha magaalooyinka Hargeysa ilaa Berbera gaar ahaana inta u dhaxaysa Hargeysa ilaa Dacar-budhuq ayaa burbur xoogan ka muuqdaa,waxaana jidkaasi ka qodmay godad waa wayn oo dhib badan ku haya gaadiidka iskaga kala goosha gobolada galbeedka iyo bariga Somaliland. Waxaana jidkaasi ay noqotay mid dib u burburtay kadib markii dayactir xoogan lagu sameeyey wadadan oo dib u burburtay ayaan wax dayactir ah lagu samayn tan iyo intii uu wasiirka Hawlaha guud ahaa wasiir Cali Maxamed Xasan “Mareexaan.”. Waxaana ay wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeyntu ay ku fashilantay inay dayactir iyo dib u dhis ku samayso wadadaasi oo ah jid halbowle ah,isla mararka qaar sababta shilal gaadiidka oo sababta khasaare naf iyo maalba leh. Wadayaasha Gaadiidka qaar ayaa sheegay in burburkan wadada ay sabab u yihiin gaadiidka waa waayn ee xamuulka qaada,gaar aahana sida ay carabka ku dhufteen gaadiidka raashinka mucaawimada ah usoo qaada dalka Itoobiya,kuwaas oo raashinka kasoo rara maraakiibta kusoo xidhata dekeda maggaalada Berbera. Related posts:“Boqolka Qof Ee Xafiiska Iigu Yimaada, Hal Qof Mooyee 99 Kale Dhulbay Igala Hadlayaan”Maayarka Moo... Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Waramay Xaaladiisa Caafimaad+Saw... Wasiir Muumin Seed Oo Lagu Eedeeyey In Aanu Gacan Siin Beeralayda Khudradda Mudadii Saddexda Sano Ah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|