WAJAALE NEWS

Itoobiya Oo Ku Hawlan Qorshe Ay Dekedaha Berbera Iyo Sudan Ugu Wareejinayso Ganacsigeeda Iyo Cidhiidhiga Ay Dekadaha Dalka Jabuuti Galin Karaan

Hargeysa(W,N)-Iyada oo ganacsiga Itoobiya 95% (Boqolkiiba Shan Iyo Sagaashan)uu ku xidhan yahay dekedaha dalka Jabuuti ayaa waxa isticmaalka Itoobiya ee dekedaha dalka Jabuuti is badal ku iman karaa marka Itoobiya ay si rasmi u bilowdo isticmaalka dekedaha Berbera oo Somaliland ah iyo dekeda Suudaan.

Warbixin uu qoray saxafiga la yidhaahdo Nizar Manek oo degan Addis-ababa isla markaana ka faalooda arrimaha qaaradda Afrika,ayaa sheegay in dawlada Itoobiya qorshaynayso inay balaadhiso adeegyada ay u baahan tahay ee bariga iyo badda taas oo marka ay hirgasho 80% dhimaysa ku xidhnaanshaha Itoobiya ee Jabuuti.

Warbixintan waxa lagu sheegay in isticmaalka Itoobiya ee dekedaha Somaliland iyo Sudan ay sababayso in Itoobiya dekedahaas u wareejiso hawlgaleedada qiyaastii 80%,taas oo ay sababtuna tahay cidhiidhi iyo mashquul keenaya in dib u dhac ku yimaado shixnadaha Itoobiya ee Jabuuti u mara.

Madaxa shirkada Itoobiya u qaaabilsan maraakiibta iyo adeegyada Saadka ESLSE mr ROba Magerssa Akawak ayaa saxafigan u xaqiijiyay qorshaha

Itoobiya,waxaana uu sheegay in marka ay mashquul iyo cidhiidhi ka dareemaan dekedaha Jabuuti ay isticmaalaan dekeda Berbera.
“Marka aanu Djabuuti kala kulano mashquul,waxaanu badal ahaan u isticmaalnaa dekeda Berbera iyo Sudan”ayuu yidhi Mr Roba Magerssa Akawak oo intaasi raaciyay “Qorshuhu waa inuu balaadhiyo hawlahan”.

Sidoo kale waxa uu mr Roba Magerssa Akawak sheegay in Itoobiya qorshaynayso inay gudaha Itoobiya ka samayso dhul balaadhan oo lagu kaydiyo laguna habeeyo alaabaha soo daga ama ka dhoofaya Itoobiya ka hor inta aanay dekedaha Jaarka gaadhin.”
Mid kamid ah dhulkan balaadhan ee Itoobiya samaysanayso oo lamid ah deked oo kale ayaa loogu talo galay in lagu isticmaalo dekeda magaalada Berbera.

Laakiin Itoobiya ayaan wali go’aan rasmi ah ka gaadhin saamiga dhan 19% ee laga siiyay maalgashiga dekeda magaalada Berbera.

Exit mobile version