WAJAALE NEWS

Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hoggaaminyo Oo Lagu Doo dhaweeyey Degmada Tog Wajaale+Sawirro

Tog.Wajaale(W,N)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Wajaale ee gobolka Gabiley.
Weftiga uu hoggaaminayo murrashaxa KULMIYE oo ay xubno ka yihiin guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan Cadde, wasiirrada wasaaradaha Wershadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse iyo Boosaha Md. Mustafe Faarax Abraan, siyaasiyiin miisaan ku leh xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Axmed Muumin Seed, afhayeenka madaxtooyada Md. Xuseen Aadan Cige, xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige Balaaki, xubno kamid ah hoggaanka garabka haweenka heer qaran ee KULMIYE iyo xubno kale oo xisbiga iyo xukuumadda katirsan, ayaa lagaga hortegay dhinaca Bari ee magaalada Wajaale, waxana iyaga iyo soo dhaweeyayaashu lug ku galeen gudaha magaalada Wajaale.
Xubnaha Weftiga, ayaa sidoo kale qaabilay boqolaal katirsan shacabka reer Wajaale oo waddada hareeraheeda taagnaa oo ay hormood u yihiin maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan degmada Wajaale, salaadiin iyo madax-dhaqameed, kuwaas oo caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE lulayey, isla markaana muujiyey inay taageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa.
Weftiga iyo taageerayaasha dariiqyada magaalada kusoo wareejiyey, ayaa dhinaca Xarunta Khayriyada magaalada usoo jihaystay, waxana ay halkaas kala kulmeen kumanaan taageerayaal ah oo iyagu halkaas kusii sugayey wefiga si ay u muujiyaan taageerada ay KULMIYE u hayaan.
Maamulka degmada Wajaale iyo xukuumadda iyo xisbiga, cuqaal, salaadiin iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay shacabka degmada Wajaale taageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, isla markaana dhammaantood diyaar u yihiin inay codkooda la garab galaan murrashaxiinta xisbiga.
Guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa shacabka degmada Wajaale ee sida weyn weftiga usoo dhaweeyey kula dardaarantay inay murrashaxiinta KULMIYE ku qiimeeyaan kartidooda iyo waxqabadka xukuumadda KULMIYE dalka ka hirgelisay muddadii ay talada haysay.
Siyaasiyiinta kala ah Axmed Muumin Seed iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, Ambassador Axmed Xasan Cigaale, Abiib Xasan Filfil oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhaweynta diirran ee shacabka reer Wajaale ku qaabileen weftiga, waxana ay ku adkeeyeen in taageerada soo dhaweymeed ee ay muujiyeen maalinta codayntana la yimaadaan.
 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh u jeediyey shacabka degmada Wajaale ee sida weyn usoo dhaweeyey, ayaa ku boorriyey inay muhiimad gaar ah siiyaan wada jirka iyo wax wada lahaansha guud ee Somaliland, waxana uu sharraxay qoddobada Aasaasiga ah ee xisbiga KULMIYE tiir-dhexaadka u ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii aynu xisbiga KULMIYE ku bahownay Bari ilaa Galbeed waxa aynu ku hammiyeynaa inaynu oo aynu xisbiga isugu nimi inaynu dalkeena horumarino oo aynu dadkeena u fikirno oo aynu u habayno nolosha ay maanta ku jiraan mid ka wanaagsan oo aynu kor u qaadno

Exit mobile version