WAJAALE NEWS

Dawlada Itoobiya Oo La Wareegtay Gudoominta Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

New York (W,N)- Dowladda Itoobiya ayaa la wareegtay hogaaminta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey,waxaana ay madax ka ahaan doontaa Bishan September oo kaliya.Xilkan waxaa ay kala wareegtay Dowladda Masar oo xilkan heysay Bishii August ee la soo dhaafay,waxaana ay Itoobiya ka mid tahay dalalka aan xubnaha joogtada ah ka ahayn Golaha amaanka ee xilka haya.

Labo Sano oo dalalka aan xubnaha ka ahayn Golaha amaanka ay xilka madaxweynanimada haynayaan ayaa u billaabatay January 2017,waxaana ay ku egtahay January 2019ka.

Dowladda Itoobiya ayaa Golaha amaanka ka sheegtay in mudada xil haynteeda ay uga faa’ideysaneyso dagaalka Al-shabaab iyo nabad ku soo dabbaalidda Dalka Koofurta Suudaan oo ay Ciidamo Nabad ilaalin ah ka joogaan.

Waxaa ay Madasha kaga dhawaaqday in 20ka September ee Sanadkan ay qabaneyso Shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayo howlgallada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Waa markii 3aad oo ay Dowladda Itoobiya la wareegeyso Maamulka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey,waxaana labadii jeer ee ka horreeyay ay kala ahaayeen 1968 – 1969 iyo 1989 – 1990.

 

https://youtu.be/_3e7fzxcSD4

Exit mobile version